Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Haweyney Dunida Ugu Taajir-saneyd Haddana Nasiib Darose Rekorka Ku Jabisay Bakhiil Shiila Dhuuxa Iyo Nolol Faqiir-nimo

Tuesday - December 20, 2016


Jornaalka Mareykanka ee ku magac dheer Guinnes of the world records ayaa biishan 19 decembar boggiisa ku soo daabacay haweyney maaliyadeeda khasnadaha bangiyada caalamka jabisay, oo haddana isla markaa si nasiib daro ah halkey nolosha ku nafaqeysan-lahayd ay rekorka ku jabisay wax la yiraahdo bakhiilnimo xad dhaafa " world's greatest miser"

Haweyneydaas oo magaceeda la yiraahdo Hetty Green, isla markaana lagu neynaaso " the witch of wall street" waxay caan ku noqotay maal-qabeenimo, laakiin isla markaa waxay ku caan baxday bakhil-nimo lafta dhuuxda ..  Hetty Green intaan godka madow lagu midaamin kuna dhimatay cimri 81 sano, balse geerida horteed estimate-ka lacgta ay haysatay waxay kor u dhaafeysay 200 Malyuun oo doolar, oo maanta u dhigmata 4 billion doolarka mareykanka ah.

Haweyneydaas markii ugu horeysay ee ay guursaneysay, waxay ninkeeda heshiis suul iyo saxiix kula gashay ugana dhigtay shuruud inusan xoolaheeda dhaxli-karin waxna ka qoondeysan-karin, taaso ujeeddadu ahayd inusan maal-keeda ku tagrafali-karin, waxaase bakhil-nimadeeda ka mid ahaa iyado ka tagtay hanaan is qurxin, balse ku nooleyd nolol aan xarago wadan, waxay xiran jirtay dhar mad-madow oo aysan sanooyin badan iska badalin, balse markay go'go'aan baali noqdaan midabkoodu qayirmo ayey iska badali jirtay.

Laakiin heerka bukhligeeda, waxaa lala cajabay markii Kuray aan baaluqin ay dhashay gacan u ka jabay dabadeedna inta sinta bidix ka laafyootay si dayac ku jiro ayey geysay isbitaalka danyarta ee la'cag la'aanta dadka masaakiinta lagu dabiibo oo halkaas wiilkii markii dambe gacanti la jaray.