Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Mucjisaadka Alle .. Qisadi Baqarada Reer Bani'israaiil Iyo Xikmada Ku Soo Aroortay

Wednesday - December 28, 2016


Suurada Quraanka Al-Baqara, waxaa la yiraah waa suurada ugu dheer Quraanka, waxyaabaha mucjisaadka ee lagu xusay suuradaas waxaa ka mid ah Qisadi Saca Reer Bani'israaiil   

1- Waxaa la dilay nin reer bani'israaiil ah

2- Ma daama hagardaamada dhacday la garan-waayey iyo waxa dilay ninkaas, waxay keentay in qoloba qolada kale dilka ku tuhunto

3- Markaas ayey reer bani'israaiil go'aansadeen in arinta ay ula tagaan Saydnaa Muse CSW. si u kashifo dilaaga

4- Alle wxauu uga dan lahaa in reer bani'israaiil u tuso awoodiisa wax soo nooleynta si ay ugu cibrad qaataan.

5- Si mucjiso ah la taabankaro ayaa Alle SWT ku doonay inu kashifo ninka wax dilay

6- Alle ayaa u waxyooday Muse CS oo ku yiri gawraca Sac

7- Reer bani'israail waxay markiiba mala-awaaleen in Muuse ku jees-jeesayo

8- kadib reer bani'israaiil arinti Muuse u kula taliyey, waxay kakeeneen su'aalo iyo qodqod dac-faruur oo wixii la faray waa cusleyeen

9- Laakiin su'aashoodi maca-gagnimo ay adkeeyeen iyana ilaahay waa ku si shideeyey

10- Waxyaabaha ay muranka iyo shidada ka keeneen waxaa ka mid ahayd midabka iyo da'da Saca

11- Muuse CS wuxuu ugu jawaabay oo yiri madabku waa safraa-dahabi dahabi ah oo indhaha u roon

12- Waxay weydiyeen Sacu darajada camalka u hayo, markaasu Muuse ugu jawaabay in Sacu yahay salim aan beero iyo ceel looga shaqeyn

13- Reer bani'israaiil rafaad iyo tacab baadi-goob kadib waxaa u suura gashay iney Saci Helaan.

14- Reer bani'israaiil sidi lagu amray Saci wey gawraceen, kadibna Muuse CSW ayaa yri jir ka mida Saca ku dhufta Ninkii meydka ee la dilay, kadibna markay sidaas la yeelay meydkii ayaa dib u soo nolaaday oo sheegay shakhsigi dhagarta dilka sameeyey.

15- Sida ay sheegaan taariikh-yahanada, Ninka la dilay waxuu ahaa maal-qabeen aan caruur lahayn, sidaa awgeed waxaa dilay wiil u adeer u yahay oo rabay inu xoolaha dhaxlo .. marku dileyna meydkiisi waxuu ku dhex geeyey xaafad kale si kuwaas tuhunka u galo.