Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Saaka Waxa Jooga Iyo Halganka Kursi U Dirirka .. Xasan Shiikh Oo Markale La Filaayo Inu Sidi Goodirka Ugu Soo Boodo Xilka Madaxtinimada Villa Somaliya

Friday - December 30, 2016


Shabakada Galdogobb Times ayaa maal-mahaan si daba-gal ku qotonta ka daba qaadatay toosh weyna ku ifisay dabino la isu daadinaayo iyo hardanka ka dhex socda murashaxiinta u cararaya xilka madaxweyne-nimada, isla markaana banaanka soo dhigtay xogo daahsoon iyo siro isku qufulan oo ay ku ogaatay saasaanta shakhsiga ay dhici-karto inu ku soo boodo kursiga Villa Somaliya .. runi Rag kama nixiso waxaana ogaaday illa hadda in boqolkiiba sideetan (80%) uu Xasan Shiikh ka iibsan-yahay xildibaanada baarlamaanka.

Tobaneeyo xildhibaan oo anigu aan si toosa ula xariiray iyo kuwo saaxibo kale ay warkooda ii soo gudbiyeen waxaa lagu waramaya in Xasan Shiikh illa u hadda haysto boqolkiiba 80% xildhibaan oo qaarkood ay sooryo kiish lacag gorgortan ku aqbaleen, halka kuwa kale weli aan si run ah u qaramoobin lagu maalay dhalasho bidix iyo midig iyo isir-raac intaba. iyadoo dhinaca kale tiro afartameeyo (40) oo la magac baxday Guutada Cas-Brigaato Roosa ay ku andacoodeen in isbadal-doon u yahay Kursi-doon oo waxba soo wadin wajiyaasha tartamaya ee muuqda iyo hadda tijaabo kuwa cusub oo hor leh, balse waxay yiraahdeen shini cayr ah oo markale nagu dagta ma dooneyno ee xaalada la maraayo madaxweyne aan Xasan Shiikh ahayn dan ugu ma jirto bulshada .. xildhibaanada fikirkaas qabana waxay u badan-yihiin Dir, Daarood iyo Beesha Shanaad, waxaa kalo war sugan shalay igu soo dhacay sheegaya in habeen hore Xasan Shiikh u la shiray 14 xildhibaan oo mashruuc mug-weyn iyo carrab-lisaan dalab leh iyo is-uur baar ula timi , kulankaaso sida la sheegay lagu guntay muran li' iney Xasan ku dooran-doonaan iyo xasan oo goobta shirka qosol la dhoola cadeeyey, waayo 14-ka xildhibaan waxaa ku jiray 3 xildhibaan oo laacibiin culus ah, horay mucaarad muhim ahaa oo cabqariyad PHD-da ku qaatay kala dilka xubnaha taagerayaasha Xasan, isla markaana ahaa kuwa Xasan beenta ku miisa, ahaa midida warbaahinta loogu tala galay in lagu kala jaro shacabka iyo Xasan Shiikh

Waxaa saadaashu sheegeysa in warrega kowaad u xasan heli-doono 204 Cod, halkaa kan ugu soo dhaw uu heli-doono 75 Cod iyadoo inta kale ay coodkooda gaaari-doono inta u dhaxeysa 30 illa 20 Cod, laakiin ugu dambeysta wareega iyo dheesha ugu dambeysa wuxuu Xasan Shiikh ku badin-doona sadex boqol (300) Cod iyo wax ka badan .. Cala Kuli Xaal nin baa laga hayaa soorta lay soo wado ee aan cuni-doono san-saankeed ayaan ka garta sidey u egtahay .. xaaladu waxay hadba heer ahaataba iyo saan-saanta socota iyo Xasan Gurguurte oo isagu ah xaga lagdanka dhawr nin oo la isku soo kab-kabay, wuxuu shar iyo kheyr ku biyo-batala-qsadaba iyo waxuu raftaba isa-suuxiyaba iyo sida odorasku yahay,waxay ku soo biyo shubaneysa in hoolka doorashada ka dhaceyso isaga lagu caleemo saari-doono, kadibna saami qaybsiga jira awgeed muddo ku siman 21 cisho gudahood wuxuu beesha Darood ka dhex magacaabi-doona aqoon-yahan noqda Raiisal wasaare oo aan Harti ahayn.
Ugu Dambeyn iyo xasuusin in Cumar Bin Khidaab RC yiri: Waxaan idin sheegaya cidda idin talineysa kolba sidaa tihiin ayaa ilaahay taladiina ka dhiga.
ilaahay halka u kheyrku ku jiro ha inna waafajiyo

The Editor of the Paper
Mohmed Alihashi