Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 23 July 2017

Dardaarankii Awoowe Shiikh Maxamed Muumin: Xerey Ogaada Waxa Walba Waa Kala Miirmaan Marka Qaska Laga Daayo

Tuesday - January 10, 2017



Tilmaanta lagu soo baadi sooci-karo magaca Shiikh Maxamed Muumin waxay tahay inu yahay Aabbihii fidiinta diinta islaamka ee mandiqada Mudug, Bari Iyo Galmudug illa Hirshabeelle .. waa arrin lagu wada qanacsan-yahay oo aanu maanta muran ka taagnayn, Hase yeeshee marka intaas hoos looga sii daadego ee wax la iska weydiiyo taariikh-nololeedkii shiikhaas mudan maqaamka sare ku leh taariikhda ummadda goboladaas
  
Dad badan oo weliba u taagan inta isku tirisa in ay taariikhda beesha Tanade ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama aanay soo rogan-karin wax dhaafsiisan ama ka durugsan in shiikh Maxamed Muumin ahaa Aabbihii diinta ku faafiyey gobladaas kor ku xusan, waxana suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka mid ahina aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu maskaxdooda ku jirin, soona hor marin garashadooda. Miyaanay suurta gal ahayn in taariikhda shiikhaas xereed luntaba

Shiikh Maxamed Muumin Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda goboladaas ku nool, waxa uu Shiikh Maxamedd Muumin ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii fidinta diinta islaamka goboladaas ,waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey in diinta lagu dhaqmo oo la barto , waxaana xarumihiisa ka aflaxay kumanyaal kooxood oo ka kala yimi gobolada somaalida idilkeed .. Shiikh Maxamed waxa uu geli jirey safarro dhaadheer si uu u soo aruuriyo dad wabarashada diinta ka qayb qaadata. Waxa uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari jirey dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee soomaalida. 

Xikmadi Shiikh Maxamed Muumin U Kula Dardaarmay Xertiisa:

Sideedaba Xertu waxay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala goboladaas. Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga ayaana lagu baran jiray. Nolosha miyiga ee reer guuraaga ah ayaanay xertu ka dhex abuurantay. Sidaa darteed, iyana meel gaar oo ay degentahay badanaa may lahayn; ee kolba meel ayay u guuri jirtay. Waxaanay Quraanka, cullumta Islaamka, iyo Carabida bari jirtay dadk ardayda reer miyaga ah, yar iyo weynba. Waxay ahayd kuliyad guuraysa. Waxa kale oo ay reer miyaga oo maamuli jireen sekada, dhaxalka, ducada, guurka, aaska, casharinta xoolaha, iyo nabdaynta. Reer miyiguna xoolo ayuu abaalgud u siin jiray.

Shiikh Maxamed Muumin oo wata Xer guuraysa ayey deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degeen. Sheekhii ayaa xertiisi qaar u diray baligii oo ku yiri, "Biyo inoo soo dhaamiya"

Markay ardaydii xerta baligii tageen ayaa waxay arkeen baligii oo xoolo badani ka cabayaan; biyiina la qasay oo biyihi xareeda aad u dhooqowday.

Ardaydi xerta sheekhii ayay ku soo noqdeen, Waxay ku yiraadeen, "Sheekhow, carro qasantay, oo biyihi waa isku dhooqoobeen! oo xita dadkii iyagana xoolaha waraabinayay biyihii way si qaseen!

"In yar iska suga. Biyaha iyo dhooqadu ha kala miirmeene," ayuu Sheekh maxamed ardaydii xerta ku yiri.

Ka dib markii xoolihi baligii ka dareereen, ayuu sheekhi ardaydi xerta u diray. Ardaydi waxay arkeen biyihii oo kala miirmay oo saafi ah. Waanay soo dhaamiyeen.

Markay ardaydii xerta biyihii keeneen xarunti xerta, ayaa Sheekhi weydiiyay, " Ka warama biyihii?"

“Sheekhow, biyihi iyo dhooqadi way kala mirmeen,” ayay uga jawaabeen .

Shiikhi ayaa yiri "Xerey Ogaada, wax wal oo la qasaaba, way kala miirmaan, marka qaska laga daayo!!