Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Trump Oo Sirdoonka Mareykanka Ku Eedeyey Iney Yihiin Qashin Sir Been Ah Dusiya

Thursday - January 12, 2017


Washinton- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eed ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen, wuxuuna yiri: Taasi waxay ahayd midii Naasigii Jarmalka uu sameeyay oo kale
Trump, Wuxuu ka hadlayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.
Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.
Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.
Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.
Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.
Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin".
"Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin," ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, "dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad".

Asagoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay "Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka".
Trump ayaa sidoo kale weeraray warbaahin sida CNN oo uu ku tilmaamay " meel qashin ah" wuxuuna ku eedeeyay "inay warar ay iska sameysanayaan"

Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacaada wararka eeda ee Trump ku saabsanaa.
Eeda ayaa dhowaanahan dhex wareegeysay warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda. Eeda ayaa dhowaanahan dhex wareegeysay warbaahinta iyo masraxyada siyaasadda.
BBC waxay heshay cadeyn ah in arrintan lagu saleeyay waxyaabo la siiyay urur madax-banaan si Trump ay uga soo horjeestaan. Waxaana waday qof horey uga mid ahaan jiray sirdoonka MI6 ee Britain, Christopher Steele.
ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in CIA ay cadeymaha u tixraacday sida kuwa "sax ah". Ujeedada laga lahaa ayaa ah in Trump laga weeciyo musharrax-nimadiisa, sida wararka ay sheegayaan.
BBC waxay macluumaadka heshay bishii October ee sanadkii tagay, laakiin si madax bannaan xilligaas looma cadeyn karin.
Arrimo aan sax ahayn oo ka mid ahaa macluumaadka ayaa xilligaasi la ogaaday.
Sikastaba, dadka horey ugu shaqeeyay sirdoonka Britain, laamaha sirta ee Mareykanka waxay u arkaan dad lagu kalsoonaan karo.