Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

ila Qosol .. Oday Juxa: Deynti Alle Kugu Lahaa Haddi Aad Si Fiican U Bixin-weyday Ma Tayda Ayaad Bixin?

Tuesday - January 17, 2017


Juxaa ayaa beri fuurtay meherad lagu iibiyo khudaarta, dabadeed maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo dukankiisa iibinaaya waxaa u timid gabar ka mid ah dadkii tuulada iyadoo ka dooneysa in uu deymiyo miraha Xabxabka ( Qaraha). 
Juxa waa uu aqbalay dalabkii gabadha. sidaas awgeed intu mid ka mid ah xabxabkii inyar ka soo jaray ayaa uu dhiibay si ay isaga dhadhamiso, laakiin gabadhi ayaa diiday in ay dhadhamiso iyadoo oo u sheegtay in ay soomantahay.
Juxa oo aan horay u fahmin ama ujeedo kale ka leh ayuu gabadhii weydiiyey soonka ay sooman-tahay waxa u yahay. ma daama oo aan lagu jirin bil soon.
Gabadhi waxaa ay Juxa u sheegtay in wixii ka tagay soon hadba inyar Qaleyso .. Juxa inta u soo booday oo si xoog badan xabxabkii yara uga soo dhuftay oo ku yiri gabadhi:  na i dhaaf waxba ku amaahin-maaye ee intaa kuma uu joogsane, waxaa uu u si sheegay sababta aanu u amaahineyn oo u yiri:  Rabigi Ku Abuuray ayaad dentiisi si fiican isaga gudi-weydey oo aad kolba inyar bixineysa ee aniga deynteyda ayaa bixineysaa miya? naa gabaryahay raali ahoow orodoo iska soco.