Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dulqaad Dawladi Dan-Yar Bey Ku Hartay .. Dawlada Shiinaha Oo Caro Kula Dhacday Mareykanka Jawaab Kululna Siisay

Wednesday - January 25, 2017


Shiinaha ayaa sheegay inaan muran la gelin karin lahaan-shihiisa qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiinaha ka dib markii maamulka Trump uu wacad ku maray inuu ka hor istaagi-doona Shiinaha inuu qaato aag biyoodka lagu muransan yahay.

Wasaraadda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Beijing ay ka go’antahay inay difaacdo xaquuqdeeda lahaan-shaha deegaandaasi oo aysan cidna kula gorgortameyn.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, Sean Spicer ayaa sheegay in Mareykanku uu ka shaqeyn doona ilaalinta danihiisa ee gobolkaasi.

Afhayeenka aqalka Cad oo aan si faafaahin warkiisa ayaa yiri: Haddii jasiiradahaasi ay ku dhexyaalaan biyaha caalamiga ah oo uusan Shiinuhu si gaar ah u lahayn waxaan hubin doonaa in aan la qaadanin.

Dhinaca Kale warbaahinta dalka Shiinaha ayaa ku warantay in hadalka Mr Spicer ay ka dhigan tahay in Washington ay u baahan tahay inay iclaamiso dagaal.
Shiinuhu wuxuu sheegay in Mareykanku uusan qeyb ka ahayn dhinacyda isku haysto Koonfurta badda Shiinaha.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, Hua Chunying ayaa sheegay in Shiinuhu ay ka go’antahay in dalalka ay khuseyso muranka lahaan-shaha badda uu wadahdal kala yeesho arrintaasi. Wuxuu intaasi ku daray in Mareykanku uusan ka tirsanayn dalalkaasi.