Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Aqoonso Hogaamiyihi Muslim Oo Dalkisa Filipin Ka Dhigay Taariikh Gu' Weyn..Geesigi Labu-Labu Oo Seef Qoorta Uga Jaray Badmaaxihi Spanishka Ee Faafinaayey Diinta Kiristaanka Ee La Oran Jiray Magellan

Thursday - January 26, 2017



Ganacsada-yaashii Carbeed iyo kuwii Muslimiinta ayaa xiriir baayacmuushtar la lahaa jaziiradaha wadanka Philippine, ka hor intaan Sapnishku guumaysanin.

Xiriirkaasina wuxuu keenay in diinta Islaamku ku faaftay wadanka Philippine. Maadaama wadankaasi ka koobanyahay jaziirado farabadan oo tiraba gaaraya 700 oo jaziiradood, waxa islaamay jaziirado dhawr ah halka kuwo kalena oo badanina aanay helin fursadaas mid lamid ah.

Sanadkii 1521 kii ayaa waxa Jaziiradahaas yimid Spanishkii oo uu hogaaminayo badmaaxihii faafinayey diinta Kiristanka ee la oranjiray Ferdinand Magellan. Kadibna wuxuu xiriir la samaystay hogaamiyihii ka talinayey jaziirada Siipo, waxayna ku heshiiyeen in lagu wareejiyo jaziiradaas iyo kuwa la jaarka ahba,  iyo in la masiixi- gaaleyo dadka dagan dalkaasba.

Spanishkii waxay yimaadeen ayagoo saaran doonyahoodii  jaziirad kale oo ka agdhoweyd halkaas, lana dhaho Mactan. Jaziiradan waxa ka madax ahaa nin dhalinyaro ahaa oo haystay diinta Islaamka, magaciisana la dhaho Lapu Lapu.

Gaalkii Magellan iyo ciidankiisii Spanishka ahaa waxay ogaadeen in Jaziiradan cida ka talisaa uu yahay muslim, dabadeedna isagoo kibir yo isla-wayni ka muuqato ayuu ku dhahay xaakimkii Jaziirada ee Lapu Lapu: “Waxaan anigu kaaga dalbaya magaxa Masiixa inaad ii gacan galiso Jaziiradan,  anagoo ahna dadka midabka cadna waxaan nahay dadkii xadaaradaha, anagaana idinka xaqnim mudan inaad xukuno wadankan” LapuLapu wuxuu ku jawaabay:” Ilaahay ayaa diinta iska leh, Ilaaha aanu caabudnaana waa Rabiga basharka oo dhan haba kala midab duwanaadaane”.

Ciidankii Spanishka iyo hogaamiyahoodii waxay kasoo dageen doomihii ay saarnaayeen ayagoo ku jeeni qaaran hubkii xilligaas casriga ahaa ee ay sitaan.

Dhanka kale Lapu-lapu ayaa ku dhiiri galiyey ciidankiisa inay iska dhiciyaan guumaysiga Spanishka, oo ayna u golaanin habayaraatee inay qabsadaan jaziiradooda. Dabadeedna dagaalkii ayaa laysku galay markaasaa hogaamiye Lapu-lapu uu weeraray hogaamiyihii Spanishka ee la oranaayey Magellan, wuxuuna seef kaga dhuftay madaxa, halka ciidankii Lapu-lapuna ay ku dhawaaqeen magaciisa ayagoo leh Lap Lapu.

Mar labaad ayuu Lapu Lapu seef kale ku dhuftay Magellan taasoo madaxiiisa qaaday, oo indhaha u saartay wixii uu galabsaday, halkaas baanu ku dhintay badmaaxihii reer Spain. Ciidankii Sapanishku markay arkeen dilka hgaamiyahoodii ayey ku yaaceen doomihii ayagoo naf la caarid ah, sidaas bayna kaga maqnaayeen dalkaas mudo ka badan afartan sanadood oo damacoodii kiristaan-nimada ku soo gabogaboobay.

Maanta dadka reer Philippine waxay u yaqaanaan Lapu-lapu inuu yahay halyey u dhashay dalkooda oo ka hor istaagay guumaysiigii Spanishka. Waxayna ugu magac dareen kalluun aad caan uga aha dalkaas oo la dhaho Lapu-lapu.