Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Faqri Xun, Dagaal Iyo Xayiraada Sacuudiga U Saaray Yaman Ayaa Qiyaasti Laba Milyan Reer Yaman Ah Oo Halis Ugu Jirta Iney Gaajo U Dhintaan

Saturday - January 28, 2017


Dagaalka ayaa sababaya in cunta la’aantii ugu xumeyd in ay sanadkan ka dhacdo Yaman, halkaas oo seddaxdii qofba labo ka mid ah ay u baahan yihiin gargaar.
Madaxa arrimaha bini-aadamnimada ee Qaramada Midoobeey ayaa sheegay in sanadkan xaaladda Yaman laga deyrinayo.
Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa u baahan gurmad degdeg ah, sida cunta ay ku badbaadaan.
macluusha haysa caruurta ayaa sare u kacday boqolkiiba 63%, ayuu sheegay Stephen O’Brien oo la hadlay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey.

Cunug ka yar shan sano ayaa 10-daqiiqo kastaa u dhinta sababo laga hortagi-karo, ayuu sheegay madaxa arrimaha bini-aadamnimada.
Faqri xun, dagaal iyo xayiraadda Sucuudiga uu saaray Yaman ayaa sababay dhibaatada cunta la’aanta ah.
Qiyaastii 14 milyan oo qof ayaan hadda haysan wax ay cunaan. Waxaa dadkaas ka mid ah 2.2 milyan oo caruur kuwaas oo macluul iyo nafaqo la’aan xun ay hayso.

Qiyaastii 500,000 oo caruurtaas ka mid ah ayaa hadda halis ugu jira inay gaajo u dhintaan.
Mr O’Brien wuxuu isbeheysiga Sucuudiga u sheegay inay Yaman ka qaadaan xayiraadda ah in aysan diyaarado ku duuli karin hawada dalkaas iyo inay furaan garoonka diyaaradaha ee Sanca.
Xayiraadda qeyb ayey ka qaadatay saameynta shacabka, ayuu tilmaamay, “Waxay hor taagan tahay badbaadinta nolol, in daawo la geeyo, waxay sidoo kale xayirtay in 20 kun oo qof ay helaan daaweyn gaar ah oo ay u baahan yihiin.”
Yaman waxaa muddo laba sano ah ka jira dagaal aad u sii xoogeysanaya oo u dhexeeya isbeheysi uu Sucuudiga hogaaminayo iyo Shiicada Xuutiyiinta ee mucaaradka ku ah dowladda Cabdulrabah Mansuur Haadi.