Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Ciyaaryahan Muslim Ah Oo Shaqadiisi Ku Waayey Sadaqo Uu U Diray Dalal Sabool Ah Oo Muslim Ah

Sunday - January 29, 2017


Kooxda ka ciyaarta horyaalka Germany Bundesliga ee lagu magacaabo DARMSTADT ayaa waxay si rasmi ah u xaqiijisay inay iska fasaxday xiddiga ka ciyaara khadka dhexe ee u dhashay dalka Tunisia ee laguna magacaabo Anis Ben-Hatira.

Kooxda DARMSTADT waxay xaqiijisay inay madaxda kooxda iyo xiddigan khadka dhexe Anis Ben-Hatira isku afgarteen in la burburiyo heshiiska uu kooxda kula joogo ka dib markii uu dhaleeceyn xoogan kala kulmay warbaahinta Germany iyada oo kaliya ay ku eedaynayeen ama ay ku eryanayeen in uu xiddigaasi sadaqo la baxay oo uu lacago uu isagu leeyahay ugu deeqay dad masaakiin ah oo ku kala nool dalal dhawr ah oo saboolnimo ak taagan tahay.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay in Anis Ben-Hatira uu shaqadiisa ku waayey Sadaqo Islaami ah oo uu bixiyey, waana ciyaaryahan mushaarkiisa sadaqo ka baxsada sidoo kalena dhiiba Sadaqada ay Diinteenna Suuban ee Islaamku ku waajib yeeshay qof kasta oo Muslim ah. Arrintaas darted ayaana lagu qabsaday Anis Ben-Hatira oo kooxdii uu ka xamaalanayay lagaga eryay. 
Anis Ben-Hatira wuxuu dhaleeceyn badan kala kulmay warbaahinta Germany maadaama uu Samafal Islaami ah si joogto ah u bixiyo, waxaana ninkan lagu tilmaamay Islaam xagjir ah.

Ben-Hatira ayaa lacagaha uu bixiyo waxaa loogu gargaaraa dadka ku tabaaleysan dalalka Syria, Somalia iyo Palestine si la mid ah Afghanistan, waxaana uu lacagahaas u marsiiyaa hay’ado Islaami ah. Anis Ben-Hatira ayaa daaha ka qaaday in aanay wax dhibaato ah ula muuqan inuu shaqadiisa ku waayey gargaarka uu u fidiyey dadka Islaamka ah ee tabaaleysan. 
Kooxda DARMSTADT waxay ku jirtaa kaalinta 18aad ee ugu dambeysa Bundesliga iyadoo leh 9 dhibcood oo keliya. Xaaladdan ayaa buuq dhalisay iyada oo xiriirka kubadda cagta Jarmalka lagu dhaliilay falkan ay ku kaceen