Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Libintu Marba Qolo U Meerta..Naazigi Cunsuriga Oo Iska Jabiyey Katiinadihi Ku Xirnaa. Hargabkii Doora-Weyne Donald Trump Oo Wada Gaaray Reer Yurub-Holland

Tuesday - January 31, 2017


Hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah isla markaana si aadka u neceb islaamka ee PVV Geert Wilders ayaa u muuqda in taageero aan horay loo arag uu ka helayo shacabka reer Holand oo khaati ka taagan dadka soo galootiga ah iyo falalka argagixiso ee Yurub hareeyay.

Xog-ururin laga sameeyay dalka Holland ayuu si weyn ugu soo baxay xisbiga Geert Wilders, waxaana laga baqayaa in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhaceysa 15-ka bisha Maarso ee sanadkan uu ku soo boxo islamarkaana uu noqdo "Donald Trump-ka” dalka Holland.

Dhawaan ayay aheyd markii ra`iisal wasaaraha talada dalkaasi iminka haya uu farriin toos ah u diray ajaanibta dalkaasi ku dhaqan in ay dalka isaga tagaan haddii aysan qaadaneyn dhaqanka dalka iyo dadka reer Nederland.

Waxa uu Raisal/wasaarahaas sheegay in shacabka reer Holland ay iminka dareemayaan cabshi baahsan oo dhanka soogalootiga ah, ayna u haystaan in dalka lagala wareegi-rabo.

Geert Wilders ayaa caan ku ah Islaam naceybka iyo cunsuriyadda, waxaana uu horay kitaabka qur`aanka uu ugu sheegay in uu la mid yahay buugga Hitler ee la magac baxay“Mein Kampf”