Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Sheeko Murti Leh: Naaskii Walaal By Cabdisalam Yaasiin

Wednesday - Feb 1, 2017


Nin ina suldaan ah ayaa marku dhashay hooyadii dhimatay. Gabadh shaqaalihii suldaanka ka mid ah oo iyana markaa inan dhashay ayaa inankeedii iyo inankii suldaankii naaska wada nuujisay. Walaalo naas ayay noqdeen.

Ka dib markii aabihii dhintay ayaa ina suldaan saladanaddii la wareegay oo suldaan noqday. Suldaanki inankii ay naaska ku walaaloobeen ayuu magaalo xaakim uga dhigay. Xaakim nimadina way madax martay. Halkuu maamul wanaagga iyo horumarka magaalada u jeesan lahaa ayaa wuxu u jeestay cunis, cabis, iyo ciyaar.

Wuxu calooshiisa la ciyaaraba, maalin ayaa naftiisi canaantay. Talo wuxu ku gaaray inuu suldaanka u tago oo muddo la jooga oo ka soo barto sida wanaagsan ee uu wax u xukumo.

Muddo ka dib markuu suldaanka la fadhiyay, ayaa wuxu arkay in suldaanku leeyahay wasiir garasho badan oo talo yaqaan ah.