Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Faaiidooyinka Caafimaad Ee Digirta Iyo Lowska

Thursday - Feb 2, 2017


Digirta waxa lagu tilmaamaa inay ka mid tahay firilayda -barotiinka ugu wanaagsan raashinka. Waxa ay hoos u dhigtaa heerka subagowga dhiigga, waxa ay ilaalisaa sonkorta dhiigga iyo shaqada Insuliinta, waxa ay siyaadisaa caafimaad-qabka habka qashin-saarka iyo ugu dambayntii waxa ay ka hortagtaa ama yaraysaa halista cudurka Kansarka.

Haddii aad ka fekerto inuu jirkaagu helo barotiin, macdanaha jirka ka ilaaliya sumowga waxaad markiiba haddii aad taqaan maskaxdaada ku soo dhacaya dhammaan cunnada firilayda ah, hilibka iyo khudaarta. Laakiin waxa la isku raacay in digirtu ay ka kooban tahay dhammaanba waxtarka kor lagu sheegay.
Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jirka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibadda uga soo baxa.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baaritaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala firilaydan ay 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca.
Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xiriiriyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo malawadka.
Dhanka kale, qaabka isku-daawaynta ee Shiinaha marka la eego, digirta noocyadeeda kala duwan waxa loo isticmaalaa in qofka lagaga daweeyo maan-dooriyeyaasha, sumawga cuntada ku dhaca, dhiig-karka, shubanka, dhagxaanta kelyaha ku jira, roomatiisamka (Jilba xannuunka) iyo daraasin kale oo xannuuno ah .. Sidoo Kale Waxa aynu halkan ku soo koobi doonaa shan faaiido oo digirtu u leedahay jirka bini aadamka ah

Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalaga ay beertaan ugu horeyso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay, hadana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, hadii uu qofku ogaan lahaana uu joogteyn lahaa ugu yaraan todobaadkii 3 jeer.

1- Digirta waxaa ku jira Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah rukniyada jidhku ku shaqeeyo, waxaa gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.
2-Digirtu waxey qani ku tahay Fiber, kaasoo howlihiisa ay ka mid yihiin isku socodka iyo u qeybinta jirka cuntada uu qofku cuno.
3- Digirtu waxey qani ku tahay Protein baruur la’aan ah, taasoo la macno ah in aad heleyso Protein kugu filan adigoo jirkaaga wax baruur ah aysan kusoo kordhin.
4- Digirtu waxey sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo Fruits-ka.
5- Digirtu waxey yareysaa naaxitaanka: hadii aad hilib leedahay oo aad digirta ka dhigato qeyb muhiim ah oo raashinkaaga ka mid ah waxaad dareemeysaa hoos u dhac, hadii aadan marka horeba buurneyna waxaad ahaaneysa qof jirkiisu Protein iyo Calories ku filan helo isagoo aysan jirkiisa ku saa’idin duhunta iyo cadiinta (baruurta)
Faa’iidooyinka Lowska:
Khubarada nafaqada qaarkood ayaa waxay yiraahdaan inay ku filan tahay in dadku isticmaalaan lixdan garaam(60gm) oo lows ah maalintii. Waxa sido kale ay sheegtay khuburadani in cunista lowsku uu ka ilaaliya jirka qofka in uu haleelo xanuunka macaanka ( diabetes), cudurada wadnaha iyo kuwo ku dhaca halbowlayaasha wareegga dhiigga iyo waliba kor u kaca xanuunka cholesterol-ka.

Miraha lowska ayaa waxa la aaminsan yahay inay yihiin wax yaabaha bani aadanku cuno kuwo ugu faa’iidada badan xaga caafimaadka bani’aadanka. Bani aadanka ayaa waxa ay geedkan ogaadeen afar kun oo sano ka hor xili hada laga joogo oo isaga laga helay deeganada ku teedsan xeebaha Mediterranea-ka ee kuyaal Italy, Spain, Morocco, iyo Bariga Dhexe.
Dadyowgii hore ee daganaa meelahan ayaa ku tiirsanaa cunista lowska oo isagu ahaa cuno dhamaystiran , sababtoo ah waa cuno aad qani ugu ah protein (19% proteinka miisaankiisa) sabab too ah waxa uu keena dareen dhereg ah.
Midhaha lowska waxa ay hodan ku yihiin acidka dufanka leh ee caafimaadka ah, dufankiisuna maaha kan caafimaadka waxyeela. Daraasadu waxa ay sheegtay in dufanka lowsku yahay sida saliid saytuunka ,oo uunan qofka u keenayn buurni.
Lowsku waxa uu siiyaa jirka bani’aadanka dufan aad u badan oonan ahayn kan caafimaadka u xun iyo macdamaha sida magnesium, calcium, copper, iyo vitamin da, “B” iyo ”J” oo le faa’iidooyin xad-dhaaf ah .Waxa kale oo uu lee yahay lowsku vitamin B1 oo isagu xoojiya awooda dareemayaasha, iyo vitamin “B2? oo isagu unugyada jidrka ku xoojiya tamar.

Dadka qaar kamid ah waxa ay yiraahdaan cunista lowska mudo afar bilood ah waxa uu ka ilaalinayaa jirka qofka xanuunka macaan ka (diabetes), sababta ah lowsku waxa uu wanaajiyaa heerka maadada insulin-ta. Laakiin waxa ay u baahan tahay bay yiraahdeen shan meelood meel waa in uu noqdaa protein ku mid kamiyaada lowska maalintii porteinka uu bani’aadanku qaato, kaasoo u dhigma 60 ilaa 80 garaam sida uu sheegay website-ka ”Tsentröm monastery Gazondhayt” ee Jarmalka ah.
Waxa sido kale qaar kale ay sheegeen in qofka raba in uu maamulo heerka cholesterol-ka ee dhiiga lagula talinayo in uu cuno lowska,isaga oo waliba loosku wanaajiyano heerka dhumucda lafaha, iyada oo taasi aynan keenayn kororrka culays dheeraad ah ama buurni.