Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qisadi Ahayd .. Intaad "Salim Jeceydi" Buun-buuniskiisa Maqli-lahayd Inaad Xaqiiqadiisa Barato Ayaa Ka Wanaagsan

Monday - Feb 13, 2017


Nin Carab ah ayaa la dhihi jiray "Saalim Jeceydi"  dadka ayaa sheeg sheega had iyo jeer .. magaciisa uun ayaa Afka lagu wada haya .. ku celcelinta badani dhibkeeda ayey leedahee .. Ninbaa is yiri ninka sidaan loo sheeg sheegaayo, waxa uu yahay bal ka sal gaar.

Ninkii Xuuraansi iyo wareysi ayuu ku dhaqaaqay mise qof "Saalim Jeceydi" arkay amase qof soo arkay uu uga sheekeya ma jiro .. markaa ayuubba go'aankiisi u si xoogeystay oo hoosta ka xariiqay inuu ninkaa warkiisa lagu wareershay madaxana looga cunay mar uun hor istaago ishiisana ku soo arko.

Ninkii safar iyo socdaal ayuu u galay in nika la sheegaayo soo arko. geedi  dheer kadib ayuu soo galay degaankii ninka lagu sheegay, haddu cagta soo dhgay, ayuu isagoo hamuun u qaba ninka aragiisa, weydiin iyo wareysi galay, mise dadku u yimid waaba la yaabeen ninka uu weydiinaayo sida u halkaan bulshada maqalka ka yahay iyo sidu macno u lahayn, 

Ninkii haddi laga abhiyey aasu ku adkeystay inu arko "Saalim Jeceydi" ayaa loo tilmaamay aqalka u magaalada ka dagan-yahay .. ninkii orod ayuu xaf isku siiyey oo sidu u sii ordaayey ayuuu dalaq ugu yiri gurigiisi uu magaalada ka deganaa, mise waxaa ka soo hor muuqday nin gaaban oo calool kuusani ka soo horeyso .. intu hulaabtay oo indhaha isku qabtay ee kala furay, isagoo rumeysan la' qofka ka hor muuqda inu yahay "Saalim Jeceydy" iyo in kale ayuu markale indhaha ku ceshay, oo waliba ku gubay si uusan ugu ekaan inu arkayo cawir ama humaag uun kaliya, dabadeena marku cabaar la sheekeystay, mise sawirka u soo baxay, wixii magaalada u degan yahay looga sheeggay iyo middi u markuu magaciisa maqli jiray ka haystay ayaa isu qaban-waayey .. wuxuuna yiri; iska daah in lagu raaco xikmad, garad iyo gar-gooye, kaaga darane xita caqli quman ma lahayn

Ninkii ayaa inta soo gadoomay, oo reerkii uu ka baxay iyo degaankiisi ku soo laabtay laga reebay hawraataan cajibka ah ee ah: Intaad "Saalim Jeceydi" Buunbuunskiisa maqli-lahayd, in aad aragto oo la sheekeysato ayaa ka wanaagsan.