Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Shalay Waxay Ahayd "Ar ii Geeya Faarax Cabduqaadir" .. Maantana "Ar ii Geeya Fahad Yaasiin" By Diraac S. Fagaase

Monday - Feb 20, 2017


Siyaasi kasta markii u doonaayo inu qabto xil waxaa lagama-maarmaan ah inu helo koox kala shaqeysa sidii u ku hanan lahaa xilka u raadinaayo.
Hadaba doorashadi madaxweyne Farmaajo kadib waxaa siyaasiyiinta xil-doonka oo ay ugu horeyaan kuwa raadinaaya Raiisal-Wasaare ay noqotay hadal hayntooda ugu badan "Ar Fahad ha la ii ggeeyo, waxaad maqlleysa yaa haya telefonka Fahad, waxaa ii soo wacay Fahad, waxaa CV u geeyey Fahad, waxaa saaxiib nahay Fahad, waxaa balan-qaad i siiyey Fahad, wuu ii soo wacay oo waan is weynay, Nairobi ayuu aaday ee yaa haya talefonkiisa cusub, kii hore waa uu iska badalay".

Filimkaan waxaan soo daawanay 4 sano ka hor, markii sidaan oo kale Xasan Shiikh u noqday madaxweynaha, waxaa hadal haynti siyaasiyiintu noqotay "Ar Faarax Cabduqaadir ii geeya" oo markaas ahaa ninka geedka fadhiga u ah madaxweyne Xasan Shiikh .. xaqiiqadu wuxuu faarax abuuray cadaawad badan, ma daama u noqday nin awooda inu xilalka dadka u kala badalo una magacaabo, wuxuu xilyada qaar ka awood badnaa madaxdi soo martay dalka.

Hadda Cabsidaan Qabo ayaa ah in Fahad Yaasiin loo xiro garabati calanka Qadar ku sawiran-yahay halka kol hore Amin Caamir sawiir kartoon ku muujiyey faarax Cabulqaadir oo xiran garabaati calanka itoobiya. 
Warkii oo aan soo koobaayo, waxaan ku talinaya in Fahad Yaasiin uu maanta ku cibrad qaato waxa soo qabsaday ina adeerkii Faarax Cabdulqaadir 4 sano ee la soo dhaafay oo u ka fogaado in galaangal badan ku yeesho go'aan qaadashadda madaxweynaha ma daama u dadal badan la soo galay sidii u noqon-lahaa madaxweyne somali
       By Diraac Salaad Fagaase