Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Taariikhda Raiisal Wasaaraha Cusub Iyo aragtida laga qabo

Thursday - Feb 23, 2017


Raisal wasaaraha cusub ee u magacaabay maxamed Farmaajo wuxuu isir ahaan ka soo jeeda beesha Hawiye-Murarsade, waxaana la sheegay inu muddo badan ku noola dalka Norwey, hasa ahaate waqti xaadir waxa uu ka yimid dalka Ingiriiska, waxayna beel ahaan aad isku xigaan Xaaska madaxweyne Farmaajo.
TAARIIKHDIISA
Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ayaa la yaab ku noqotay dad badan, sabaha soo socda awgeed:

1- Waa ninkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda beesha Murusade oo xilkan loo magacaabo taariikhda, taasoo uu uga badbaaday sida muuqata baryahaan loolankii u dhaxeeyay Beelaha Abgaal iyo H/Gidir.

2- Waa nin aan siyaasad hore ugu jirin, oo ku soo caan baxay urarrada samafalka, waxaana uu madax ka noqday hay’add NRC ee samafalka Norway.

3- Waa Qurbe-jooge sida farmaajo oo haysta dhalashada Norway, isla markaana isaga iyo madaxweynha ay wada yihiin qurbejoog.

4- Xasan Cali Kheyre waxaa lala xiriiriya Shirkadda SOMA and OIL oo muran badan hareeyay musuq ay ku lug yeelatay kadib heshiis shidaal baarisa ah oo ay la gashay dowladii Xasan Sheekh.

5- Ra’iisal wasaaraha la magacaabay waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab, arrintaas oo ay qoreen Guddiga cuna-qabateynta Q/Midoobay laakiin markii dambe caddeyn loo waayay. laakiin weli shaki waa jira inu la shaqeeyo sirdoono shisheeye gaar ahaan dawlada Norwey oo boobka iyo muranka bada somaliya iyo Kenya qayb ka ahayd