Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Tixraac Donald Trump's New immigration .. Melania Trump Waa Tarxiil " Deportation"

Tuesday - Feb 28, 2017


Waxaa lagu waramaya in warar ka soo baxay xafisyada Looyarada dadka magangalyo-doonka ayaa wakooda ku shaaciyey in haweyneyda Melania oo u qabo madaxweyne Donald Trump ay dalka si sharci daro ah ku joogto, waayo waxaa saameeyey qawaaniinta cusub u soo saaray hadal dhataqle madaxweyne Trump oo oranaaya qofkii waxa is daba marin iyo sibiq sibiq sharci ku qaatay waa in dalka laga tarxiilo, taasoo sida la ogyahay first lady Melania Trump ay iyadu ka kow tahay wax sharciga baal mara.

Looyarada qaabilsan dadka magan-galyo doonka ah ayaa intaa warkooda ku daray in xaaska madaxweyne Trump ay sanadkii 1990 dalka markeedi hore ku soo gashay qaab dalxiis, kadibna iyado aan haysan warqada ogolaanshaha shaqo "legal work visa" ayey gashay shaqada modeling jobs "bandhig la xariirta kala warwarka sabiisha" halkaaso isla sandka muddo ku siman 7 asbuuc ku qaadatay 20 kun oo doolar, isla markaana sanadku marku ahaa 2001 ayey si aan la garaneyn ku qaadaty aqoonsiga sharci dal ku joog "green card" iyado haddana la sheegay in sanadkii 2006 wax baaris ah aan lagu sameyn loo dadajiyey qaadashada jinsiyada Mareykanka, oo sidaas ayey sharciga dalka ku jabisay ayna runta tahay in dalka laga tarxiilo - deportation, haddi kale kiisaska sharcigaas cusub waxay noqonayaan iska hor-imaad iyo daba wareejin aan meel mareyn