Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Haweyneydi Saxaabiyada Ee Xarun Caafimaad Ku Lahayd Masjidka Nabiga Agtiisa .. Maxayse Diintu Ka Qabtaa In Gabadho Kalkaaliso Noqoto?

Friday - March 3, 2017



Haweenaydan saxaabiyada oo magaceeda la orran jray Rufayda Al-aslamiyah, waxay xarun caafimaad ku lahayd masaajidka nabiga agtiisa, waxayna daweyn jirtay dadka buka iyo dhaawacaba. Shaqadeedaana waxay u qaban jirtay hab mutadawcnim ah (Voluntary) ayadoo uga faa’idaynaysa muslimiinta cilmigeeda iyo hantideedaba.

Saxaabiyadn Rufayda (I.R.H) waxa xaaladeeda ka waraysan jiray nabiga (scw), wuxuu ku oran jiray markay waabariisato: Maxaad ku waabariisatay? Kolka ay galabaysatana wuxuu dhahi jiray: Maxaad ku galabaysatay?

Rufayda ilaahay raali haka ahaadee waxa lagu xasuustaa qaabkii cajiibka ahayd ee ay uga qayb-qadatay daweyntii saxaabigii Sacad ibnu Mucaad oo dhaawac kasoo gaaray gacanta. Nabigu (scw) wuxuu Sacad ibnu Mucaad dhigay cariishkii ama teendhadii Rufayda, ayadaana daryeelaysay Sacad.

– Maxay diintu ka qabtaa in gabadhu kalkaaliso noqoto?

Sida asalka ah haweenaydu waa inay joogto gurigeeda, laakiin hadii ay baahi keento waa loo ogolyahay haweenku inay shaqeeyaan ayagoo ilaalinaya axkaamta sharciga ah, sida inay sidato xijaabka, aanay la kali noqonayn rag ajnabiga ka ah, sidoo kalena waa in aan looga cabsanayn dhib kasoo gaaraysa goobtaas ama meeshaa ay haweenaydaasi ka shaqaynayso.

Haweenayda muslimada ah way ka shaqayn kartaa cusbitaal, ayadoo noqon karta dhakhtarad, umuliso iyo kalkaalisaba, waxaana asalku yahay in haweenku ay daweeyaan dumarka, raguna ay daryeelaan raga.

Kumana banaana sharciga in ninku uu daweeyo haweenay aan maxramkiisa ahayn, sidoo kale haweenayda uma banaana inay daweyso nin ajnabi ka ah. Balse hadii ay baahi keento sida in ninkii dhakhtarka ahaa ee duri lahaa ruuxa buka in la waayo markaa wax dhib ah malaha in haweenaydu ay daweyso ninkii ama ninku daweeyo gabadhii.
WD: Abdulazizi Mohamed Oogle