Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ciyaar Xiiso Leh ayaa No Bilaabaneysa Aan Daawano Dadweynow .. Farmaajo Oo Diidan Xildhibaan Guulwadeyn Loogu Meeleeyo Wasiir

Saturday - March 4, 2017


Mogdisho- warar xog daahsoon ah oo aan ka xiganay magaalada mogdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Khayre ay inta badan qol waagu ugu baryo gudcurkana ugu soo galo iyagoo jilbaha u dhigaya daraafka magacyada golaha wasiirada oo illa tiro 6 jeer ay daraafkaas hadba geed soo harsaneysay, waxaana la odorasaya in ay todobaadyada soo socda ku dhawaaqi-doonaan, waxaase warku u badanyahay in madaxweyne farmaajo u isagu si gaara ula dhacsan-yahay in wasiiradda gabi ahaanba laga magacaabo xubno aan ka tirsaneyn golaha baarlamaanka si isbadalkii laga sugaayey dawladda cusub aysan u noqon jug jug meeshaada joog, wuxuu kalo farmaajo qaba in fekerki iyo debeecadihi hanaankii dawladi ka horeysay ee qaabka guulwadeynta wax lagu dhisi jiray haddi aan la badalin aysan dawladiisa maanta iib galeyn.

Laakiin Raiisal Wasaare Kheyre ayaa isagu dhinciisa markasta carabka ku dhufta in inta aan la boodin la hubsado halka lagu dhacaayo, oo haddi xildhibaanada laga tago ay keeni-karto xasaasiyad ka dhalata buuq, gadood iyo colaad warmaha loo sifeysto aan maxsuulkeeda cidna saadaalin-karin, isla markaana ay tumi-doonaan durbaan qabiil.
Dhinaca kale gudoomiye jawaari, ayaa isagu qaba in xumad jabin awgeed golaha wasiirada la xulaayo kalo bar bar laga qaato xubnaha xildhibaanada baarlamaanka oo lagu xusho shakhsiyadooda, laakiin aan qabiil lagu xulan ama dano kale oo gaara .. cala ay xaal waxaa la leeyahay sadexdaas aragti ayaa meesha taala, lamana saadaalin dhinaca ay aragtidu u raajicin-doonto.