Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xanuunnkii Taariikheed Ee Lagu Musaafiriyey Trump Awoogiis Ayaa Sabab U Ah Neceybka Xad- dhaafka Ee U Qabo Soo-galaytiiga

Sunday - March 5, 2017


Waxaa la sheega in Donald Trump awoowgii aabo oo Jarmal ahaa, uu boqorkii ka talinayey boqortooyada Bavaria u qoray warqad uu kaga baryayo in aan dib looga mustaafurin dalka.

Friedrich Trump, oo markii uu dalkiisa ka yimid, soo-galayti ahaan u degey dalka Maraykanka, kana samaystay ganacsiyo dhinaca hoteelada iyo guryaha ah oo uu lacag aad u badan ka helay, waxa uu ku dhashay isir ahaanna ka soo jeeday magaalada Kallstadt oo ka tirsan gobalka Bavaria ee koonfurta dalka Jarmalka oo xilliyadaas ahaa boqortooyo madax bannaan.

Freidrich Trump sannadkii 1901-dii dib ugu noqday dalkiisa Bavaria, gaar ahaan magaaladiisii. Waxaa Friedrich wehelinayey xaaskiisa Elisabeth Christ, laakiin markii uu dhowr sano deggenaa magaaladiisa ayaa ay boqortooyada Bavaria soo saartay qoraal rasmi ah oo dalka lagaga mustaafurinayo.

Amarkan ayaa soo baxay markii dawladdu ogaatay in safarkiisii Maraykanka ka hor aanu sii gudan shaqadii qaranka. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ahaa in uu muddo ka tirsanaado ciidamada dalka oo uu qaato tababarrada aasaasiga ah, laakiin taas ma’ uu samaynayn awoowe Friedrich .

Go’aanki maxkamadda kadib ayaa qoyska Trump mustaafuris aan soo noqod lahayn abid lagaga eryey dalka Jarmalka, waxa aanay dib Maraykanka ugu noqdeen sannadkii 1905-tii, markaas oo ay Elisabeth uurka ku sidday madaxweynaha hadda ee Maraykanka aabihii Fred Trump.

Sannadkii 1882-kii waxuu ku shaqaysan jiray timo-jarenimo, sannadkii 1885-kii isagoo 16 sano jir ah ayuu haajiray. Maraykan markii u tegey si daacadnimo iyo dadaal leh ayuu u shaqaystay, oo sida u sheegay naxariista Ilaah baa la jirtay oo waxa u noqday maalqabeen. sannadkii 1892-kii waxuu helay jinsiyadda Maraykanka, sannadkii 1902-dii waxay is barteen xaaskiisa imika. Nasiibdarro waxa ay ku noolaan kari weyday cimiladii New York, kadib isaga iyo qoyskiisa waxay dib ugu soo guureen  magaalada Kallstadt.

Donald Trump awoowgii oo warqaddiisa codsiga ah ee uu ku beer laxawsanayey boqorka Bavaria si aan loo mustaafurin, sii wataa waxa uu ku calaacalay in mustaafurintaasi ay ku keenayso dhibaato dhinaca niyadda iyo nafsadda ah iyo khasaare maal labadaba, waxa uu baryey in loo aqoonsado mar labaad in uu yahay muwaadin u dhashay boqortooyada Bavaria. isaga oo sii wata tawaawacsiisana waxa uu ku baryootamay, “Xaaladdan degdegga ah, ma’ haysto cid aan miciin bido oo aan ahayn in aan u noqdo boqorkayaga xorta ah, caddaaliga ah, xikmadda badan, sharafta leh ee aanu jecelnahay, Maamulahayaga karaamada badan, boqorka sare, ee cid walba ka sarreeya, ee mar walba ilmada badan u quba naxariista dadkiisa darteed, boqorka xukunkiisa lagu baraaray, ee sida cadaaladda, xikmadda, dabacsanaanta, diirranaanta iyo kalgacalka badan noo xukuma, waxa aan maanta u dullaysnay naxariistiisa sare, aniga oo ka maryaya in uu iga aqbalo codsigayga ah in aan sii joogo boqortooyada naxariista badan ee Bavaria”

Dad badan ayaa aaminsan in taariikhdaas xanuunka badan ee dalkiisii hooyo lagaga mustaafuriyey Trump awoowgii ay sabab u tahay nacaybka xad dhaafka ah ee uu u qabo soo-galaytiga iyo weliba jacaylka uu u hamuum qabo in uu dalka ka eryo cid kasta oo sharci ku joogin.