Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Nin U Dhashay Mareykan Oo Sheegtay In Uu Yahay Boqorka Sharciga Ah Ee Dalka Ingiriiska Iyo Warbaahinta Ingiriiska Iyo Mareykanka Oo Si Weyn U Qaadaa-dhigay Qadiyada Ninkaan

Wednesday - March 8, 2017


Sida uu ku soo waramayo wargeyska TIMES ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska Nin u dhashay waddanka Maraykanka oo lagu magacaabo Alan Evans kana soo jeeda Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay goob fagaare ah waxa uu si cad ugaga dooday in uu yahay Boqorka Sharciga ah ee dalka Ingiriiska dhalasho ahaana uu ka soo jeedo silsilad soo taxnayad in ka badan tan iyo qarnigii saddexaad ee Tirsiga Miilaadiga, isaga oo sheegtay in uu ka soo jeedo Gobolka Wales ee Carriga Boqortooyada Ingiriiska oo uu sidaa ku yahay mid sharci ahaan isagu ah boqorka dalkaasi Ingiriiska balse aanay waxba ka jirin sheegashada sida uu sheegay Boqoradda Wakhtigan ee dalkaasi Ingiriiska Queen Elizabeth.

Sheegashada ninkan Maraykanka ahi ku sheeganayo in uu yahay boqorka sharciga ah ee dalka Ingiriiska ayaa xiiso badan ka dhalisay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska iyada oo warbaahinta dalka Maraykanku aad u soo qaadatay sheegashada layaabka leh ee ninkan.

Sida uu wargeyska TIMES ee arrinka ninkan wax ka qoray sheegayo Allan Evans ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xilka Boqoradda wakhtigan ee dalka Ingiriiska isaga oo sheegay in xilkaasi ay si khalad ah u sheeganayso ee uu rasmi ahaan isagu u yahay boqorka dhabta ah ee dalkaasi Ingiriiska, xilkaasina ku yimid dhaqan iyo taariikh soo jireen ah oo uu ku helay dhaxal iyo xiriir waqti dheer ah oo uu ka hayo awowyaashii.

Dhinaca kale shabakadda Business Insider oo arrinkan layaabka leh wax ka qortay ayaa sheegaysa in Allan Evans markii uu shirka jaraa’id arrinkan kaga hadlayay uu yiri: “Waxaan ka soo jeedaa qoys taariikh dheer leh oo qarniyo soo jirtay. Waa qoys salaadiin iyo boqorro ahaa oo taariikhdoodu ku xiriirsan tahay tan iyo qarnigii saddexaad ee taariikhda. Boqornimadaydu waa sharci, sheegashada Boqoradda Elizabeth-na waa sharci darro. Sharci ahaan boqortooyadayadu waa mid ku dhisan qaanuuc iyo sharciga boqortooyo ee Britain waana mid ku diiwaan gashan diiwaanka boqortooyada weyn ee Britain. Ma aha wax aan iska sheegayo balse waa wax xaqiiqo ku dhisan”.

Wargeyska TIMES oo arrinkan ninkan ka sii warramayaa waxa uu yiri: “Allan Evans waxa uu ballan qaaday in uu sharciga Boqortooyada Ingiriiska la tiigsan doono Boqoradda arrinkuna yahay mid qaanuun ku dhisan oo aanay dawlado iyo cid kale soo fara galin Karin. Isaga oo dhinaca kalena sheegay in uu daba gal ku samayn doono hantidii iyo agabkii taariikheed ee qoyskiisa oo uu sheegay in uu qarniyo badan yaallo dalkaasi gaar ahaan Gobolka Wales illaa uu ka gun gaarana aanu fariisan doonin.

Allan Evans ayaa ugu dambayn sheegay in haddii uu boqoradda Ingiriiska ku qancin kari waayo in ay xilka isaga tagto ay sheeganayso sida uu hadalka u dhigay uu sugi-doono illaa iyo inta nolosha uga haray haddii ay ka horrayso isaga oo sheegay in haddii ay Queen Elizabeth meesha ka baxdo uu isagu rasmi ahaan aanay jirin cid xilka uga xaq lihi isna uu sidaa ku noqon doono Boqorka Ingiriiska.
Xigasho: TIMES