Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

iLa Qosol .. Waxaa Diyaariyey Axmed C/laahi A. Kadiye

Saturday - March 11, 2017


Waxaa diyaarad wada sarnaa Madaxweynayaasha Mareykanka, Ruushka iyo Soomaaliya.
Madaxweyna kasta wuxuu sheegay in uu joogo waddankiisa markii ay diyaaradda dul mareysay. Haddaba waxaa la weydiiyay sida ay ku garteen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri : Anigu waxaa gacanta ka bixiyey daaqadda(Shubaakada)diyaarada markaas ayaan taabtay daarihii New York sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Mareykanka .
Madaxweynihii Ruushka ayaa isagana yiri:Anigu markaan gacanta daaqadda ka bixiyey waxaan dareemay qabowga Mosko sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Ruushka.

Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isagana yiri: Anigu markaan gacanta ka bixiyey daaqadda waxaa leyga furtay Saacaddii aaan watay sidaa ayaan ku gartay in aan joogo waddankeyga Soomaaliya.