Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Bisinkaa Wax Walba Kaga Filan .. Sixirka Iyo Belaayada Meereysa Ee Hargeysa Lagu Dhaabay Oo Umadi Khalkhal Galisay

Monday - March 13, 2017


Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ay jiraan xaaladaha shakiga leh ee la xiriira dhibaatooyinka beryahan dambe dadkeenu ka hadlaan sida sixirka, afduubka iyo xaaladaha la midka ah balse aanay sidaa loo wada sheegayo aanay wax badani u jirin balse ay iyagu ku baraarugsan yihiin ka wasaarad amni ahaanna wax badan kala socdaan isaga oo sheegay in umadii khalkhal la galiyey oo ubadkii yaryaraa aanay albaabada ka baxayn sidaa darteed loo baahan yahay in innaga oo feejigan aan haddana kalsooni qabnaa.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiiru-dawlaha Amniga Somaliland waxa uu sheegay in xataa isaga arrinkani taabtay oo ubadkiisii aanay albaabka ka baxayn illaa la kaxeeyo umaddiina khalkhal lagu abuuray isaga oo sheegay in ay jiraan Dumar laga soo qabqabtay Magaalada Burco oo arrimahan oo kale loo soo qabqabtay. Baaris bay hawshaasi ku jirtaa hase-yeeshee hal qodob baa meesha yaalla dadkaa ehelka ah ee dadkooda la dhibaataynayo ee dadkaasi wax yeelaynayaan ma jirto cid si toos ah ula soo xiriirtay hay’adihii ay khusaysay Nabadgelyada 

Wasiirul dawlaha Amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo arrimahaasi ka sii hadlaayey ayaa yiri Waxan sixirka la yiraa kolba qofba si buu u arkaa. Nabi Muxammed SCW wuu sheegay laakiin ha aaminina hana rumaysaninaa la yiri isaga iyo falalowga iyo waxa la sheego waa wax la sheegay sidaa darteed maadaama wax aynu sideeda u qaadano oo isku baqo galino. 

Wasiirka ayaa hadalkiisi ku soo gabagabeeyey: Waxa loo baahan yahay in aynu runta ka gaarno oo aynaan dadkeena bahalo galin. Kelyaa lagala baxaabaa la leeyahay. Dad ubadkooda iibinaya ayaa jira oo aan dalkeenan ahayn. Waxa jira dad kasoo jeeda dalal badan oo aanay waxbaba la ahayn in uu ilmihiisa gadaa ayaa jira oo aan inala caqiido ahayn. Ninka doonaya in uu kelyo la baxo si dhib yar buu u helayaa oo fudud. Wixii jiraba annagu ka hari mayno oo waannu soo taabanaynaa gunta dadkana khalkhal yaynaan galin. Aniga ubadkaygu gurigaa kama baxaan iyaga oo la kaxeeyo mooyee. Way wanaagsan tahay in aynu ka digtoonaano oo aynu sheegno wixii xun ee dhacaya.