Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

R/W Kheyre Oo Amray In Wasiir-kasta Gacanta Ku Soo Dhigo Shan Xildhibaan Oo Beeshiisa Ka Tirsan Si Loo Hello Codka Kalsoonida

Friday - March 24, 2017


Raiisal wasaaraha somaliya Xasan Kheyre ee dhawaanta xaabadi tiil dhulka ku sheegay wasiiradiisa ayaa wuxuu kula dardaarmay iney si dhaqso ah suf iyo xanjo isugu xiraan sidi xod-xodosho ay gacanta ugu soo dhigi-lahaayeen qodobka kalsoonida loogu hardamaayo, taaso loo baahanyahay in wasiir kasta u la xariiro xildhibaanada ay isku bahda yihiin, oo si beer-laxaawsi ah geed dheer iyo mid gaaban, geb-geb iyo durbaan qabiil, run iyo been kolba waji loola tago xildhibaanadaas ay isku beesha yihiin.

Waxaa loo baahanyahay ayuu yiri: in wasiir-kiiba gacanta ku soo dhigo ugu yaraan illa shan xildhibaan iyo wax ka badan, si aqlabiyada codka loo hello amase daadku no qaadin, wixii idin diidana ha lagu dayo ballanqaad ayuu hadalkiisi ku soo daray. hasa ahaate wasiiro kuwa u dhashay beesha qansax qurac oo saluugsanaa jagada la siiyey ayaa jawaab kaga af celiyey: raiisal wasaare Yaad wax siisay? dabadeed jawaabta la siiyey noqotay: shib yarow .. ugu dambeyn R/W ayaa hadalkiisi ku soo gabagabeeyey oo yiri: War sidaas heshiis ma ku galnaa suul iyo saxiixba leh.

Dhinaca kale, war laga soo xigtay wasiir saaxiibadiis u waramay ayaa sheegay in xilldhibaano aan tiro yareyn ay si jajuub ah ku ogolaadeen in codka ogolaanshada bixinayaan, halka kuwa kalana ay codkooda ku xireen shuruudo kala duwan, waxaa kalo la xusay in inkasto xildhibaanada qaarkkood balan qaadeen iney codka bixyaan ayaa haddana laga shaki qaba iney waqti kasta ballantooda is badasho, maxaa yeelay kuwa badan oo xildhibaanada ka mida ayaa ku andacoonaya in shacabka ay gabi ahaanba ka soo horjeedaan qaabka iyo xaabada loo xushay golahaan wasiiradda .. waxaa la sheegaya in beelo badan ay xilldhibaana-dooda ku andacoonayaan sidey u diidi-lahaayeen codka kallsoonida.