Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Nin Loo Aqoonsaday Kan Aduunka Ugu Gaaban Oo Dadka Haysta Diinta Hunduuska Dalka Hindiya Ay Caabudaan

Wednesday - March 29, 2017


Foore News-Waddanka Hindiya oo ka mid ah dalalka hab-dhaqannada layaabka leh iyo caadooyinka qariibka ah dadkooda lagu yaqaano ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ku soo kordhay arrin si gaar ah isha loogu hayo, gudaha dalkaasina si weyn looga dareemayo kadib markii dadweyne aad u tiro badani maalin walba gurigiisa ku booqdaan oo ay ka barakaysaan nin da’diisa lagu sheegay 21-jir kaasi oo koriinkiisii dabiiciga ahaa joogsaday ama is taagay markii da’diisu ahayd Lix Bilood oo kali ah sidaana dhererkiisu ku joogsaday gabi ahaanba culayskiisa iyo dhererkiisuna aad u yar yahay.

Dhacdadan layaabka leh oo ka taagan Gobolka Punjab ee dalkaasi Hindiya ayaa wararka ka imanayaa waxa ay sheegayaa in dadka deegaankaasi oo u badan kuwo haysta diinta Hinduusku ay koox koox ugu soo qulqulayaan guriga uu ninkan gaabani deggan yahay iyada oo arrinka layaabka lihi noqday in dadkii markii hore kaliya ku ekaa booqashada ay ninkan gaaban ugu imanayaan ay imika noqotay in ay caabudaan ama ka barakaystaan oo ay hanti badan gurigiisa keenaan sidoo kalena ay u foorarsadaan iyaga oo khushuuc u muujinaya.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo Nirmodi Karan oo wakaaladda wararka Hindiya u warramay ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in nafta wiilkan gaaban ku jirtaa tahay mid ka mid ah ruuxda Ilaahyada ay aaminsan yihiin dadka diinta Hinduuga haystaa sidaa darteed ay u arkaan qof barakaysan oo ruux karaamaysani ku jirto.
Kooxo cilmi baarayaal ah oo arrintan ninkan gaaban u kuur galay ayaa wakaaladda wararka Hindiya u sheegay in Manpreet Sing oo ah ninkan gaaban loo aqoonsaday in uu yahay ninka wakhtigan adduunka ugu gaaban kaasi oo muuqaalkiisu u eg yahay sidii ilmo yar oo dhawr bilood jira balse marka loo soo dhawaado la dareemayo in da’diisu ka weyn tahay sida muuqiisu yahay.

Wariyayaal booqday guriga uu ninkan gaabani ku nool yahay ayaa soo arkay boqollaal qof o saacaddiiba soo booqanaya guriga labadiisa waalid ee uu ku sugan yahay kuwaasi oo inta ay ag fariistaan hab khushuuci ku jirto u dul jooga saacado badan iyaga oo ka barakaysanaya halka kuwo badan oo ka mid ah dadkan cibaado ahaan ninkan gaaban u soo booqanayaa ay guriga uu joogo keenaan alaabo badan iyo hadyado isugu jira agab iyo cuntooyin macaan.
Manpreet Sing waxa uu dhererkiisu dhan yahay kaliya 23 Inch waxaanay dhakhaatiir caafimaad oo xaaladda ninkan gaaban la socday in muddo ahi sheegayaan in uu ku soo dhashay xaalad caafimaad oo wanaagsan balse markii uu jiray kaliya muddo lix bilood ah uu si degdeg ah korriinkiisii dabiiciga u joogsaday kaasi oo wixii intaa ka dambeeyey aanu dhererkiisa ku kordhin hal Inch.

Dhinaca kale hooyada dhashay wiilkan ayaa waxa ay u sheegaysaa in ay ku faraxsan tahay noloshiisa iyo xaaladda uu ku sugan yahay, dhererkiisa aan caadiga ahayna u arkayn wax dhibaato ah taa baddalkeedana ay u aragto in uu qoyskeeda farxad ballaaran u soo jiiday dadkuna ku soo ururaan gurigooda iyaga oo ka barakaysanaya arrintaasina ay aad ugu faraxasan yihiin.

Manpreet Sing ayaan awood u lahayn in uu hadlo sidoo kalena socodku aad ugu adag yahay balse xaaladdiisa kale ee caafimaad wanaagsan tahay inkasta oo uu u muuqdo qof tabcaan ah waxaana daryeelkiisa ku dadaala hooyadii iyo gabar ay walaalo yihiin oo 19-jir ah oo isaga ka yar balse iyadu ah qof dherer ahaan iyo jir ahaanba caadi ah.
Wakaaladda Arrimaha diinta iyo dhaqanka dalkaasi Hindiya ayaa dhawaan la filayaa in ay arrinta ninkan laga barakaysanayo ka soo saarto sharci rasmi ah lana filayo in ay xaaladdiisa ku daraan arrimaha diiniga ah iyo muctaqadaadka loo tixgeliyo dadka Hinduuska ah.