Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Meherkii Gabadha U Dhalay Boqorka Baxreyn Oo Dunida Ashqaraar Ku Riday

Monday - April 3, 2017


Waxaa Dalka Baxreyn ka dhacay gogol fadhi lagu meherinaayey gabar u dhalay boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa, gabadhaas oo magaceeda lagu sheegay Nuura Xamd, waxaa si caashaq ah ku soo doonay wiil xaga nasabka awoowe u yahay xaakimkii hore ee imaaraadka Shiikh Saaid Bin Al-Nahayaan .. kureyga caga-baruurka magaciisu waa Shiikh Saaid Bin Suldaan Bin Khalifa Bin Al-Nahyaan.

Goobti dayafada meherka ka dhacay, waxaa gambo-fur Meher ahaan la soo walan-waaliyey santuukhyo ku jaan-go'an Dahab iyo Dheeman lagu qiimeeyey 50 malyan oo dirham, isla markaa fanaaniin iyo shimbero heesaya oo lagu soo kireystay boqolaal malyan halka iyadana isla goobti meherka la keenay galal ay ka buuxaan tiro 250 milayan oo Dirham, taaso aan ahayn xoolo u shaqeystay ee mid u kala soo baxsaday ummadiisa Reer Abu-dabi degan, sido kale calafka raashin sida wabiyo guuraya iyo xoolaha lo' iyo geel u badan ido gorod madow laga dhiigsiiyey ee hagar li'da la isku sooray aan tiro lahayn.

 Cala ay xaal Reer Khaliij nicmadi ilaahay marku nooc walba u dhiibay, ayey dunidi meel walba ula tageen xaajo fal nacas, faan duleeyey iyo fasahaadka fahma guurka ku riday oo ka tageen Edebti, xishoodkii, waxaana fasahaadkii u noqday caado ee ceeb uma arkaan .. weyna iska iloobeen walaalahood islaamka gaajada awgeed cawska liq-liqaaya ee hiilka uga baahneyd