Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Hotelka U Leeyhay Trump Oo Jikadisa Laga Helay Sadex Iyo Toban Khalad

Friday - April 14, 2017


Masuuliyiin ka socda waaxda caafimaadka iyo bad-qabka ee dalka Maraykanka ayaa waxyaabo khalad ah ku arkay jikada goobta loo tamashle tago ee Mar-a-Lago, oo uu leeyahay madaxweyne Donald Trump.
Saddex iyo tobanka khalad ee jikada huteelkaas lagu arkay waxaa ka mid ah qaboojiyeyaal jajaban taas oo ka dhigan in hilibka iyo kaluunka lagu kaydiyay qabaw loo arko in cuntada la galiyo aysan badqabin.

Biyaha qasabadaha ka socdana sidii loo baahnaa uma diiranayn si ay shaqaaluhu gacmahooda ugu nadiifiyaan si fiican.
Saddex iyo tobankaas khalad waxaa la ogaaday maalmo uun ka hor markii uu goobtaas booqasho ku tagay ra’iisalwasaaraha Japan.
Labo ka mid ah qaboojiyeyaasha ayaan u shaqaynaynin siddii loo baahnaa waxayna u baahnaayeen in wixii ku jira laga saaro oo la dayactiro.