Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Halyey Gaara Geesigi Dhaartay Weligi Gaasirin Bilaal Binu Rabaax Halkee Aayihiisi Ku Dambeeyey Geeridi Nabi Maxamed SCW Kadib

Saturday - April 22, 2017


Saxaabigi Bilaal Binu Rabaax, waxa uu ahaa saxaabi muslim ah oo qiimo badan siiba xiligi nabi Maxamed Scw, oo uu ahaa mu’adinkii Muslimiinta .. Bilaal islaamka ka hor waxa uu ahaa adoon uu leeyahay mid ka mida mudanayaashi reer quraysheed, balse markii danbe waa la xoreeyey oo Abubakar Sidiiq Rc ayaa furtay.

Bilaal geeridii Nabiga Scw ka gadaal waxa uu u tagay Abubakar Sidiiq (Ilaahay haka raali noqdee) oo isna ahaa saxaabi qiimo badan islaamka dhexdiisa, waxana uu ku yiri: Amiirkii Rasuulkow, waxaan maqlay Nabiga oo leh “Shaqo uu adoonka ilaahay qabto waxa ugu fiican jihaadka alle dartiisa ah.”

Abubakar Rc, waxa uu ku yii: “Maxaad markaa rabtaa Bilaalow?”

Bilaal waxa uu ku yiri: Waxaan rabaa inaan u ban-baxo ilaahay dartii, ilaa aan ka dhinto.

Abubakar waxa uu ku yiri: oo yaa noo adimaya?

Bilaal oo indhiisa ilmo ka buuxdo ayaa ku yiri: Anigu cidna uma adimayo Rasuulka SCw kadib.

Abubakar waxa uu ku yiri: Nala joog oo noo adin Bilaalow.

Bilaal waxa uu ku yiri: Hadii aad i xoraysay adigu ima lahaanaysid! Waxaan ahaanayaa sidaan-doono, hadii aad ilaahay dartii ii xoraysay i daa. Isagaan adoon u ahaye.

Abubakar waxa uu ku yiri: Waa xaqiiq Alle dartii ayaan kuu xoreeyey.

Intaa kadib Bilaal waxa uu u boqoolay dhulka Shaam (Suuriya), halkaas oo uu ku ahaa diyaar iyo mujaahidba. Waxa uu naftiisa ku lahaa; “ Maan ahaanin mid jooga Madiina, dhimashadii Rasuulka Scw kadib.”

Bilaal Hadii uu rabo inuu adimo marka uu soo gaaro eereyga “Waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Rasuulkii Eebbe.” Waa uu marganayey, oo ooyayey.

Bilaal Shaam ayuu iska joogay, oo waxa uu la jiray mujaahidiinta. Sanado kadib, Bilaal waxa uu riyo ku arkay Nabi Maxamed SCw, isaga oo ku leh: "Waa maxay jawfadu( xadgudub) Bilaalow, miyaanay ahayn inaad na soo booqato?” Inataa kadib, Bilaal waxa uu noqday mid murugaysan, wuxuu u soo boqoolay dhinacaa iyo magaaladii Madiina, waxa uu soo booqday qabrigii nabi Maxamed Scw, waanu ku dul ooyey, sidoo kale waxa uu dul tagay xabaalihii Xasan iyo Xuseen.

Bilaal sidaa markuu yeelay kadib, waxa uu fuulay masaajidkii nabiga Scw korkiisi, waxana uu si cod qurux badan ugu dhawaaqay “Allaa wayn, Allaa wayn.” Intaasi markii ay ka soo yeertay, magaaladii Madiina way ruxan tay. Hadana way sii ruxantay markii uu ku dhawaaqay  “Waxaan qirayaa inuu Maxamed yahay Rasuulkii Eebbe.”

Dumarkii ayaa ka soo baxay guryahoodi, manay noqon maalintaa Madiini mid oohineed mooye wax kale.

Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu Khadaab Rc, mar uu booqday Shaam (Suuriya) dadkii way baryeen si uu bilaal ugu yiraahdo u adin salad qura. Xiligii salaada markay gaartay, Bilaal ayuu Cumar u yeeray si uu u salaada ugu adimo.  Bilaal muu diidin Cumar Rc, waana uu adimay.

Saxaabadii garanayey Nabiga Scw way ooyeen, oohin aanay waligood ooyin. Cumar ayaana ahaa ka ugu oohin daran.

Geeridii Bilaal markii ay soo dhawayd waxa ooyday xaaskiisi! Waxa uu ku yiri;  “ Ha ooyin, beri waxaynu la kulmaynaa kuwii uu Maxamed Scw jeclaa iyo asxaabtiisiiye Rc.”