Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

France : Saansaanta Ninka La Filaayo Inu Ku Soo Boodo Kursiga Qasriga Elysee Palace Mr. Macron Oo Xaaskiisa U Ku Xaragoon-dono laga Hadlay

Monday - April 24, 2017


Saasaanta Ninka La filaayo inu ku soo boodo madaxtinimada Fransiiska ee maaciisa la yiraa Emmanuel Macron ayaa aad dadku u hadal hayaan xaaskiisa u ku xaragoon-doono ceebtiisa astureysa ka dhigeysa libaaxyadi la yiqiinay ee magaceeda la yiraah Brigite Trogneux, taaso noqoneysa next first lady in farance amase marwada kowaad ee ka soo muuqan-doonta Qasriga Elysee Palace looga taliyo cariga Faransiiska. 

Haweyneyddaas waxay hadda jirta 64 sano, halka ninkeeda u jirsaday 39 sano, taaso ninkeeda ay ka weyntahay 24 sano, iyado la xusay in haweyneydaas ay saameyn weyn ku yeelan-karto nolosha ninkeeda iyo gaar ahaan faragalin maamulkiisaba, waxaana la aaminsan-yahay in fikir u isagu leeyahay aysan maamulka dalka ku socon-doonin, balse haweyneydaas u qabo ay maamulka si toosa faraha ula galidoonto. dabka u kala qaadi-doonto lobby-ga iyo xukumadiisa. mana aha mid u hoy oran-karo, waxaana laga baqa iney maamulka hantido.

Sida la sheegay Mr. Emmanuel Macron mudadi u ahaa wasiirka dhaqaalaha wuxuu ku shaqeynaayey aragti ay inta badan xaaskiisa lahayd isla markaana cidna iyado aan ka gabaneyn dan ka lahayn ay dhinaca ka fadhin-jirtay oo doodaha difaaciisa ay talo ku darsan-jirtay

Taariikhda qoran, Musharax E.Macron iyo xaaskiisa waxay is barteen isagoo 15 jir ah, xiligaaso quudkiisa kaliya ahaayd baasto suugo laga dhaarshay, oo wiilkaas si bareer aan biyo is marin ku caashaqday, waxayna waqtigaas u ahayd macalimad u dhigta afka faransiiska, iyado isla waqtigaas ahayd hooyo la qabo oo sadex caruura dhashay oo kan ugu weyn ilmaheeda u hadda jiro sodon sano .. familka haweyneydaas waxay ka soo jeedda qoys leh warshad macmacaanka Shukulaatada.