Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Saaka Oo Somaliya La Soo Toostay La Yaab Iyo Qaadan-waa .. Raiisal Wasaare Kheyre Oo Damaciisi Xoolo Dey-Deyga Duulimaad Kula Wareegay Khasnadi Maaliyada Ee Qaranka

Monday - May 1, 2017



Warar fajac oo bulshada somaali salaatul-sahwiga galiyey saaka la soo toostay ayaa laga soo tabinaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo markaan xargihi goostay, wuxuu gedo-geedeeyaba wixii laga filaayey muddo gaaban la soo baxay ee ahayd maafiya-nimo dhac iyo boob, taaso keentay inu deg deg kula wareegay maamulkii u gacanta ku hayey Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, waxayna taas keentay in wasiirka Maaliyada Bayle u go'aansaday inu shaqada isaga tago,isla markaana u kheyre lafahaantiisa rabo inu jagadaas keensado mid daciif ah oo u ku shaqeysto.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa isku qabsday maamulka Miisaaniyadda dowladda, taasoo Ra’iisul Wasaaraha ku adkeystay inuu isagu maamulo, halka Wasiirka Maaliyaddana uu xaq u lahaa shaqadan .. waxaa ka mida arimaha la isku qabsaday

1- Qarash bixinta Miisaaniyadda dowladda, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu toos ula wareegay qarash bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka, ciidamada dowladda iyo lacagaha howlaha Wasaaradaha lagu wado.

2- Waxuu kalo la wareegay wixii dakhli ah, sido kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wareegay Canshuur dhaafka Wasaaradda Maaliyadda, taasoo uu sharciga sheegayo in canshuur dhaafka ay mareyso Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimaha Furdada.

Canshuur dhaafka ayaa loo sameeyaa hey’adaha aan dowliga aheyn, sida UN-ka, AMISOM, Bisha Cas, Safaaradaha iyo NGO-yada kale, taasoo uu xaq u leeyahay Wasiirka Maaliyadda, kaddibna ay marto Agaasimaha Furdada, isla markaana loo gudbiyo Maamulaha Furdada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Dekeda Muqdisho, sida uu qabo Sharciga Custom Low.

Arrinta ugu weyn ee ka dhalatay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd, kaddib markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu amar ku bixiyay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada bulshada in lacagaha ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe, taasoo shirkadaha ay ashtako ahaan ugu tageen Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkadahan ayaa ahaa kuwo qandaraasyo ay siisay dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay gacanta ku hayaan dhamaan adeegyada muhiimka ah ee dowladda bixiso, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna mar kale u fasaxay inay shaqooyinkooda sii wataan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu damacsanaa inuu shaqo ka fariisin ku sameeyo shirkadaha gaarka ah, isla markaana dowladda la wareegto adeegyada, si lacagaha ugu soo xaroodaan Bankiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegaa inuu saaxib dhow la yahay shaqsiyaadka ku lugta leh shirkadahaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo xilligan saameyn weyn ku leh shirkadaha gaarka ee gacanta ku haya adeegyadii dowladda bixin laheyd.

Garyaqaanka Guud ee dowladda oo mar dambe arrintan soo fara geliyay ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu sharciga ku xadgudbay, isla markaana uusan xaq u laheyn maamulka miisaaniyadda dowladda, waxaana warqad uu u qoray Ra’iisul Wasaaraha ugu faah faahiyay ku dhaqanka iyo sareynta sharciga, iyo qaabka ay marto hab maamulka miisaaniyadda dowladda.