Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Trump Oo Shaqada Ka Eryey Madaxi Hey'ada FBI

Wednesday - May 10, 2017


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay shaqada ka eryay Madaxii Hey’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da James Comey.

Trump ayaa ku eedeeyay Mr Comey inuu awood uusan laheyn u adeegsaday hey’adda uu hoggaamiyo.

James Comey ayaa baaryay wararka sheegaya suurta galnimada xiriirka uu Ruushka la yeeshay xubno ka mid ahaa ololihii doorashada ee Trump.

Comey ayaa waxaa xilkan afar sano ka hor u magacaabay Madaxweyne Obama, waxaana intii uu xafiiska joogay uu qaaday tallaabooyin ka careysiiyay Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.

Madaxa Hey’adda FBI ayaa horay ugu soo eedeeyay Hillary Clinton eedeymo la xiriira inay isticmaashay Email gaar ah, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Baaritaanka Kiiskan ayaa la rumeysan yahay inay dhaawacday rajadii Hillary Clinton ka laheyd ku guuleysashada Madaxtinimada Mareykanka.