Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

War Weyn .. Raiisal Wasaare Kheyre Oo La Rabo In Daadka La Qaadsiiyo

Sunday - May 14, 2017


Iyadoo Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, sida Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka sare ay fasax ku maqan yihiin, ayaa Xildhibaanada iyo Sentarada labadaas gole meesha kaliya ee geed-fadhiga u ah ama dhaq dhaqaaqyada siyaasada kala socdaan ayaa waxaa uu noqday magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Xildhibaanada labada gole ee ku sugan Nairobi ayaa lagu qiyaasay inay ka badan yihiin boqol Xildhibaan, kuwaasoo noqon kara kooram buuxa, hadii kulan loo qabto.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa si aad ah looga dareemay Nairobi kulamo iyo olole ay wadeen Xildhibaanada, waxaana kulamada ay ahaayeen kuwo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaalada dalka, waxyaabihii dhacay iyo qorshayaasha soo socda.

Xildhibaanada ololaha ka wada Nairobi ayaa u badan kuwii taageersanaa Madaxweynihii hore iyo Xildhibaano kale ka mid ahaa kuwii doortay Madaxweyne Farmaajo oo badankood qaba cabashooyin la xiriira balamo looga baxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isbaheysiga ay wadaan Xildhibaanadan uu ku wajahan yahay sidii Ramadaanka kaddib ama marka dib loo furo kulamada Baarlamaanka ay mucaarado adag ugu furi lahaayeen Xukuumadda, waxaana la sheegayaa in haatan Nairobi ka socdo olole lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Inkastoo maalmo ay ka harsan tahay boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogo, hadana inta badan Xildhibaanada ayaa aamusan, una kaadinaya maalmahaas marka ay soo dhamadaan, si ay mowjado dhaliilo ugu furaan waxyaabihii mudadaas la qabtay iyo in aanay waxba ka hirgelin balan-qaadyadii Madaxweynaha uu sameeyay intii ololaha ku guda jiray.

Shaki kuma jiro in mowjado siyaasadeed ku furmi doonaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre marka dib u furmo kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka, hase ahaatee waxay u baahnaan doontaa farsamo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uga gudbaan turaan-turooyinka ku soo wajahan, waxaana dariiqa kaliya ee looga gudbi karo uu noqon karaa inay kala fur furaan Xildhibaanada, hadii taasi dhicin waxaa suura gal noqon kara in dalku galo xaalad u eg kuwii horay loo arkay.