Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Eebow Islaanimada Xoogee .. Taariikh Nololeedkii Janna Hele Boqor Najaashi Of Abyssinia

Wednesday - May 17, 2017


Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray cidii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeeri jiray cidii boqor ka noqota dalka Masar .. Najaashiggi noolaa xilligii nabigeena Muxamed waxa magaciisa la dhihi jiray Asxama ibnu Al-abjar. Najaashi aabihii ayaa ahaa boqor ka taliya dhulka Xabashida, kadibna wasiiradii iyo la-taliyayaashii boqorka ayaa dhagar maleegay oo waxay ku faqeen boqorku inu leeyahay hal wiil oo kaliya, wiilkaasina waa madi, markaa waa inaan dilnaa boqorka  oo aanu isaga badalkiisa boqor ka dhiganaa walaalkii oo lahaa laba iyo toban wiil. Dabcan la-taliyayaashii boqorku sidii ayey kaga dhabeeyeen waxayna dileen boqorkii, badalkiisiina waxa yimid walaalkii.

Najaashi xilligaas waxa soo dhoweeyey adeerkii oo xukunka wax badan gacanta u galiyey, kadibna ragii aabihii dilay ayaa carooday oo isku sheegay haduu boqorku dhinto wuxuu xilka u magacaabayaa wiilkan markaana wuu inaga aar goosanayaa oo wuxuu inoo dilayaa dhiigii aabihii. Dabadeedna la-taliyayaashii ayaa u tagay boqorki kuna yiri: boqorow wa inaad dishaa wiilkan! Wuxuu yiri: Ma intaad aabihii disheen shalay ayaad maantana isaga dilaysaan? Waxay dhaheen: hadaad diiday inaad dishid wadanka ka mastaafuri.

Nimankii dilay Najaashi aabihii ayaa wiilkiina qabtay oo ka iibiyey nin ganacsade ahaa, waxayna siisteen 400 oo dirham, ninkiibaana Najaashi kaxaystay oo ka yeeshay Adoon.

Hadaba ninkii boqorka ka ahaa dhulka Xabashida ayaa maalin maalmaha ka mida dibada u baxay si uu isugu dhigo dhibcaha roobka, kadibna danab ka yimid xaga cirka ayaa asiibay, sidaas baanu ku dhintay.

Markuu boqorkii dhintay ayaa wasiiradii iyo la-taliyayaashii boqorku dooneen inay madax ka dhigaan mid kamid ah laba iyo tobankii wiil ee uu dhalay boqorku, mise laba iyo tobankuba waa doqomo aan hanan karayn xukunka dhulka Xabashida. Dabadeedna ragii taladu ka go’aysay ayaa shiray, waxayna go’aansadeen inay dib usoo celiyaan ninkii Najaashi ee ay adoon ahaan u iibiyey, wayna soo celiyeen oo waxay ku fariisiyeen kursigii boqorka, ayagoo madaxana taajkii boqorka u saaray.

Ninkii iibsaday Najaashi ayaa u yimid boqorkii oo ku Yiri: Boqoroow, waxa ninman wasiiradaadu iga iibiyeen wiil adoon ahaa, ayagoo iga qaatay lacag, kadibna wiilkii ayey igala noqdeen, ee lacagtaydii ha ii siiyaan ama wiilkii aan iibsaday. Boqorkii Najaashi wuxuu yiri: Ninkan ha loo celiyo lacagtiisii ama wiilkiisi, maxaa yeelay markuu ilaahay aniga mulkigaygii ii soo celinayey igamuu qaadanin wax laaluush ah!! La-taliyaashii boqorka ayaa bixiyey lacagtii laga qaaday ninkii ganacsadaha ahaa.

Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu horeeyey ee ina tusaya cadaaladiisii iyo inaan dadka agtiisa lagu dulmi jirin, dabcana arrintaas waxa uga markhaati kacay Rasuulka oo Yiri: Boqorka Xabashida agtiisa laydin kuma dulminayo.

Xilliyadaas waxa dhib ayaa lagu hayey saxaabadii Rasuulka (scw), kadibna waxa loo ogolaaday inay hijroon karaan, markaasuu Rasuulkuna kula taliyey inay aadaan dhulka Xabashida maxaa yeelay waxa jooga nin boqor ah oo aan agtiisa laydinku dulminaynin.

Saxaabadii way baxeen ayagoo doon ka raacay magaalada Jiddah, waxayna yimaadeen dhulka Xabashida. Meeshii ay saxaabadu soo mareen waxa ugu dhow oo uguna macquulsan inay ahayd deegaanada Soomalidu maanta dagto, gaar ahaan tuhunka ugu badan waa magaalada Saylac inay saxaabadu kasoo dageen, kadibna ay dhulkaas ku nasteen oo ay ilaahay ku caabudeen, ka hor intaanay la kulmin Najaashi.