Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Baro Qaar Ka Mida Mucjisooyinka Quraanka .. Ma Lagaga Waramay Labada Ay Dadka Wax Magan-gala Ku Magan Galan .. Akhri Salaad Walba Kadib Iyo Waliba Labada Cir Gaduud Iyo Markaad Seexaneyso

Thursday - June 1, 2017

Qul-Acuudu Birabil Naas ..Suuraddani waxay la soo degtay suuradda Al Falaq, sababtii ay kuso degtayna waa qiso caan ah. Waxay qisadaasi ahayd in Nebigu (NNKH) la sixray, oo uu sixray nin la oran jirey Lubayd bin Al Acsam oo Yahuuddii reer Madiina kamid ah. Dabeeta baa Eebbe sarreeye uu usoo dejiyey Nebiga (NNKH) iyo Muslimiintuba aayadahan qiimaha badan ee labada suuradood si Sheydaanka iyo sixirka laysaga celiya.

Nebigu (NNKH) wuxuu aqrin jirey salaad waluba kadib iyo weliba labada cir gaduud (galab iyo subaxa), sidoo kale markuu seexanaya ayuu aqrin jirey, waana labo suuradood oo uu sidaas u bari-jirey saxaabadiisa, sidoo kalena wuxuu ku dari jirey suuradda Al ikhlaas.

Isagoo inooga warramaya Nebigu (NNKH) weynida suuraddan wuxuu yiri asagoo la hadlaya Ibnu Cabbaas ”Ibnu Cabbaasoow!! miyaan kaaga warramaa labada ay dadka wax magan gala ku magan galaan (Allaah)”? Wuxuu yiri ”Haah!! Rasuulkii Alloow (NNKH)”. Wuxuu yiri : Waa Qul-acuudu birabbil Falaq iyo Qul-Acuudu birabbin Naas. (Silsiladda saxiixa).

Dhanka kale waxaa habboon inaynu isla ogaanno in raqamka 7 uu yahay raqam asaasi u ah Quraanka, waana raqamka ugu mucjisada badan Quraanka iyo diinta Islaamka oo dhami. Suuradda Quraanka ugu horreysa waxay ka kooban tahay toddoba aayadood, aayadda keliya ee Nebi Ciise iyo Aadam ay ku kulmaan waa aayadda toddobaad ee marka tartiibka Quraanka lasoo tiriya ah midkiiba, taasoo ku jirta suuradda Aali Cimraan. Suuraddaasi magaceeduna wuxuu ka kooban yahay toddoba xaraf. Samadu waa toddob, dhulkuna sidoo kale, dawaafku kacbadana waa toddoba, sacyiga Safa iyo Marwana waa toddoba, jarmaadka la tuura xilliga gudashada xajkuna waa toddoba toddoba, iyadoo isku dar dhagaxyada la tuuraahi ay yahiin 49 dhagax, kuwaasoo lagu gano Ibliiska.