Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dhaqan Dadaal Iyo Hawlkarnimo .. Mucjisada Ku Duugan Qisada Nin Aan Gacmo Iyo Lugo Toona Lahayn Oo Haddana Karti Iyo Dadaal Ku Gaaray Meel Sare

Tuesday - June 13, 2017



Sydney (Foore)- Waa dhiiri-galin ah kuna tusinaysa awoodda alle ku abuuray bini’aadanka, waxay ku saabsan tahay ninkii gacmaha iyo lugo la’aanta ku dhashay, hadana waxbarashada heer ka gaadhay, Magaciisu waa Nick, wuxuu jiraa 33 sano jir, asalkiisu waa wadanka Serbia, laakiin dhalasho Australia ayuu haystaa, wuxuu ku dhashay xanuunka loo yaqaano “Phocomelia” oo ah in qofku ku dhasho gacmo iyo lugo la’aan.
Markii waalidiintii loo sheegay xaaladda uu wiilkoodu ku dhashay, way diideen in ay arkaan ama ay qaataan oo ay korsadaan, maadaama ay aad uga walwaleen siday u korin lahaayeen ilmo cuuryaan ah oo lugo iyo gacmo aan lahayn, laakiin usbuucyo ka dib way kaxaysteen.

Inkastoo qoyskiisa iyo qaraabadiisu ay aaminsanaayeen inuu weligiis qof ku tiirsanaan doono, laakiin alle ayaa siiyay awood isku filnaansho intuu yaraa, wuxuu bartay sida loo istaago isagoo wajigiisa cuskan jiray, wuxuu hadana bilaabay inuu qeybtiisa hoose ku gurguuran karo sidii qof socon kara oo kale, haddana wuxuu bilaabay inuu meeshii luguhu ka maqnaayeen inuu gacmo ahaan u isticmaalo, intaas markay qoyskiisu arkeen iyo maskaxda uu alle siiyay, ayaa waxay go’aansadeen inay iskuul geeyaan.
Ardaydii ay iskuulka isla dhigan jireen, wuu ka maskax badnaa oo si dhakhso ah ayuu uga baxay iskuulkii, kadib wuxuu galay jaamacadda “Griffith University” isagoo 21 sano jir ah, wuxuuna ka qaatay laba shahaado jaamacadeed, wuxuuna ku takhassusay cilmiga “Accountancy” iyo “Financial Planning” oo ah laba takhassus oo dunida qaali ka ah.

Waa nin dunida safiican looga yaqaano oo aad u safar badan, kana jeediya casharro dhiiragalin ah jaamacado kala duwan, waana nin casuumaad ka helay madaxda adduunka qaar ka mid ah sida madaxwaynada dalka Singapore, madaxwaynaha dalka Uruguay iyo Madaxwanaha dalka Taiwan.
Wuxuu aad uga sheekeeyaa dhibaatooyinkii yaraantiisa soo maray iyo xilligii ardayga uu ahaa iyo siduu uga mira dhaliyay dadaalkiisii uu rabay inuu ku xaqiijiyo inaanu faciisa waxba ka hoosayn.

Nick, waa nin xaas leh waxaana u joogta laba caruura, wuxuu illaa iyo hadda ku guulaystay dhowr billado sharafeed oo uu ku mutaystay buugaag uu qoray, filimaan uu jilay iyo casharro uu ka jeediyay jaamacado dhowr ah.
illaa iyo hadda wuxuu qoray 7 buug oo dhiiragelin u badan, kuna saabsan in noloshu qofka aanay xad lahayn, in qofka ay ku jirto awood u baahan inuu iska raadiyo kadibna banaanka u soo saaro iyo in aad saameyn ku reebi kartid jiilkaaga adigoo lagaa filanaynin iyo kuwa kalaba.