Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xog-Warran Xaalada Khalij Ku Sugan-yahay .. Sacuudiga Oo Duulaankiisi Colaadeed Xaga Qatar Si Shiiqeyso .. Dipolmasiyadi Qatar Oo Dhanka Wanaagsan Wax U Dhaqaajisay

Saturday - June 17, 2017


Waxa ilo Xog-ogaal ahi ay sheegaan in duulaankii cuna-qabateynta lagu soo qaaday dalka Qatar uu gabi ahanba fashalmay oo halkaas inkasto markii hore maamulka Mareykanka siyaabo kala duwan u kala hadleen, haddana sida muuqata guushi diplomasiyada ay ku raacday dawlada Qatar, taasna waxaa keentay halgan diplomasiyeed aan gabasho iyo libiqsi lahayn oo Qatar isaga caabisay gardarada Sacuudiga Iyo Imaaraadka, waxayna taa Sacuudiga dhaxalsiisay in awoodi dhaqaalle ay shucuubta ku karbaashi-jirtay ay maanta ka wareegtay, taasna waxaa markhaati u ah Sacuudiga oo fikirkiisi cuna-qabateynta xaga Qatar meel kasta dunida ka gadmi la'.

Hadal yaqaanka la dirsaday Wasiir Al-Thani ayaa hadal murti ku milan ku sheegay in Qatar ay diyaar u tahay iney xal u hesho xiisada taagan, balse aysan diyaar u ahayn iney wax gor-gortan ah ka gasho siyaasadeeda arimaha dibada iyo arimaha u gaarka iyaga. waxuu kalo wasiirka sheegay in Sacuudiga shaabuugi ay beri hore Jaziiradaha khalijka ku jilciyeen ay markale la soo baxeen oo maanta ay rabaan iney Qatar ku karbaashaan, oo taas waan diidnay ayuu yiri .. kuwa filaaya ayuu yiri in dawlada Qatar ku dabici-doonto cunaqabateynta oo raali ku noqon-doonaan, waxay ay ku baraarugi-doonaan Run kharaar

Dhinaca kale sida u qoray wargeyska la yiraa Le Monde Diplomatigue ee ka soo baxa cariga faransiiska ayaa bogiisa news- wareed ku qoray in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay markii horaba maleegeen qorshe hanjabaad si qaab iyo qurux loo dhisin aan lahayn cadeyn iyo marag ku qotama, balse ay moodayeen in qas siyaasadeed u ka dhex abuurmi-doono gudaha Qatar marka la cuna-qabateeyo u shacabku kici-doono, dabadeedna boqor Tamiika Qatar isku dhiibi-doono maalmo gudahood, laakiin sinaariyadaas analysis ( scenario) dhagta iyo maskaxda dunida waa ku qancin-weyday, balse boqrkii Qatar waxaa si kalgacal leh u taageeray Malyuumaad iyo Malyuumaad shucuubta carbeed ee daafaha caalamka ku nool, isla markaana waxaa u soo gurmaday, Turkiga, Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga kuwaaso ku taliyey in siyaasada Geeljir-nimada la joojiyo, balse wadada hadal wax lagu xaliyo

Dunida caalamka gaar ahaan kuwa islaamka waxay maanta u arkaan in dawlada Sacuudiga iyo tan Imaaraad-kaba ay tahay dawlad ay hogaaminayaan Fac shahwadoodu karkarineyso, nafta kibrineysa oo jecleusiineysa dulmiga .. waxay noqdeen kuwa sheydaan ku guuro oo dano guracan lagu qoonsado.

Labada wiil ee dhaxal sugayaasha ka ah dalalkaas ee kala ah Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Maxamed Shiikh Zayed ayaa aragtidooda cusub umaddi islaamka ku jaaho wareertay, waxayna Amiiradaas fureen albaabo fitno oo mar kaliya bulshadi khalijka iyagi isku mashquuleen oo dalkii dhaxal wareeg qarka u saaran .
Wiilashaas Amiirada ah, waxay maamulkii dawladnimada u rogeen wax la mid ah wixii Geel-jirihu kolkay caanaha ka dhargaan isu sheegi-jireen, hebelka kale iyo reer hebel-kiisana ku maagi-jireen, intaa waxaa dheer isbadal ku dhacay dhaqankii siyaasadeed ee dalalkas ay awoowa-yaashi ku socon-jireen .. laakiin akhristow Ogow ilaahay mar-mar wuxuu xira albaabada farajka, waayo waxuu ogyahay in aynan hore ugu mareyn marxaladaha bulshada ku sugantahay, sidaa darteed ilaahay wuxuu gartay in xaakim qarqoosh ah ku xukumo oo cadaalad daro iyo dulmi baahdo, dabadeedna farajka furo.