Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dhiira Galin Awgeed Dawlada Sacuudiga Oo Kaalmo Dhaqaale Ku Bixineysa Ninkii Afar Xaas Guursada

Monday - June 19, 2017



Riyad (STO)- Jimciyad ka hawl gasha arrimaha Bulshada oo fadhigeedu yahay waddanka Sucuudi Carabiya ayaa soo saartay baaq ku aaddan Ragga doonaya in ay xaasaska badan yeeshaan kaasi oo u sahlaya in ay jimciyaddaasi caawimo u fidiso ragga doonaya haween badan oo ay guursadaan.

Qorshahaasina ku sheegtay mid lagu dhiirri gelinayo guurka badan iyo in lala dagaalamo in haweenku dalkaasi ku dhacaan guur la’aan wakhti daraasado dhinaca qoyska ah oo dalkaasi Sucuudiga laga sameeyey daah furayaan in koror badani ku yimid xaddiga haweenka guur la'aanta ku waynaada ee aan helin fursad guur.
Jimciyaddaasi oo fadhigeedu yahay caasimadda wadanka Sucuudiga ee Riyaad ayaa gaar ahaan dhiirr gelinaysa guurka haweenayda afraad iyo in ragga laga caawiyo in ay dhammays tiraan afarta haween ah ee shareecada islaamku ninka u ogoshahay in uu hal mar wada qabi karo iyada oo si gaar ah farriintan ugu socodsiisay in ay gacan ku siin doonaan nin kasta oo leh wakhtigan saddex xaas in ay ka saacidi doonaan dhismaha xaaska afraad oo ay dhammaanba kafaalo qaadi doonaan waxa ku baxaya aqal-galka guurka haweenayda afraad taasi oo keentay in rag badan oo saddex xaas lahaa hanqalka la soo kacaan oo jimciyaddan iska soo diiwaan geliyaan si ay u helaan xaas afraad oo dhamamanba kharashkeeda laga bixiyay.
Professor Howzan Mirza oo waraysi siinaysay telefishanka Rotana Khaliijiya ayaa waxa ay sheegtay in jicmiyadda ay ka tirsan tahay oo wada shaqayn arrinkan kala leh wasaaradda shaqada iyo kobcinta arrimaha bulshada ee Sucuudigu ay mashruucan bilaabeen sannadkan 2017 sidoo kalena ay doonayaan in ay laban laabaan dadka ka faa’iidaysanaya si bay tiri loola dagaalamo hablaha guur la’aanta ku waynaanaya ee ku goomoobaya iyo waliba kuwa carmasha ah ee la furay ama raggu ka dhinteen taasina keenayso in kor loo qaado heerka nolosha haweenka iyo dhismaha qoyska sucuudiga ah.

Howzan Mirza oo arrimahaasi sii faahfaahinaysaa waxa ay tiri: “Mashruuca kobcinta iyo kor u qaadka nolosha haweenka ee aanu wadnaa waa mid guurka lagu kordhinayo. Waxa aannu doonaynaa in aannu haween badan fursado guur siinno. Kuwa carmasha ah ee laga geeriyooday ama la furay waa muhiimaddayada koowaad, mihiimadda labaadna waa hablaha guurku ka habsaamo ee da’da guurka sii dhaafaya. Waxa aannu dhiirri gelin dhaqaale ku siinaynaa nin kasta oo doonaya in uu xaasas kale yeesho. Waxa aannu dhiiri gelinayaa ragga laba ama saddex xaas leh ee aan awood dhaqaale u lahayn in uu mid saddexaad ama afraad guursado. Waxa aanu dhaqaalaha ugu badan siin doonaa ninka saddex xaas leh ee doonaya in uu afreeyo. Kaasi waxa aannu ka bixin doonaa dhammaan kharashka meherka, aqal-galka iyo xataa biilka reerka oo aannu dhawrkii sanaba mar caawimaad ka gaysan doono. Haddii mashruucani guulaysto waxa aan ku ballaarin-doonaa boqortooyada oo dhan” ayay tiri Maro Howzan Mirza oo ah Professor cilmiga qoyska iyo arrimaha bulshada ka dhigta jaamacadda Boqor Cabdulcasiis

Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,
Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso,
Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba,
Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda,
Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka,
Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye,
Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane,
Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e,
Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo,
Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo,
Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey,
Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba,
Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye,
Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay,
Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga,
Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso,
Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye.

Yaa salaam . tixdaan hoose waxaa tiriyey Cabdilaahi Suldaan Tima-Cade ilaahay ha unaxariistee.