Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Weyn..Shacabki Sacudiga Oo Qol Madow Waagu Ugu Baryey .. Boqor Salmaan Oo Si Gardaro Ah U Laalay Xaqi Amiir Maxamed Bin Naif Iyo Taajkii Dhaxalka Boqornimada Oo...

Wednesday - June 21, 2017


Riyad- War goor dhaweyd laga shaaciyey xafiiska diwaanka boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in wareegto ka soo baxday Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdil-casiis u  xilkii ka qaaday Amiir Maxamed Bin Naaif oo ahaa ku xigeenka kowaad ee Boqorka, ahaana dhaxal sugaha kowaad ee boqorka haddi meesha u ka baxao .

Warka wareegtada ayaa intaa raacisay in booskiisi dhaxalnimada lagu wareejiyey wiilka boqorka u dhalay oo la yiraahdo Amiir Maxamed Bin Salmaan, waxaa kalo la xusay in amiir Maxamed Bin Naif wixii jago u dalka ka hayey oo ay ku jirtay wasiirka arimaha gudaha laga xauubiyey, 

Dhinaca kale xog daahsoon, oo lagu qanci-karo ayaa lagu tabinaya in golaha hal-doorka odaayaasha ka soo jeeda xidid dhaqanka familka boqortooyada gaar ahaan Caaiilada ilma Cabdi-casiis oo ka kooban 11 Amiir ay go'aankaa talo xumida xasaasiga ah ka soo baxay diwaanka boqor Salmaan ee uu taajka ku saaray wiilkiisa ay dhafoor taabasho ku noqotay, waxaana la xusay iney horay hunu-hunudaas magaacaabida la maqlay, dabadeedna amiiradaas ay uga si digeen boqorka inu ku talaabsado, hasa-ahaate Boqor Salmaan oo lagu tilmaamo Oday si asaasaqaya warkoodaas ma tixgalin oo wuxuu ka yiri "Game Over" waxaa kalo isna gaashanka u daruuray wiilka u dhalay boqorka oo isagu ah kan dabinka isbadalka soo shaqlay si gaara ugu xariifooba awoodi aabihi, isla markaana si xishood uga dhaarsan-yahay had iyo jeer ku been abuurta saxiixyo buga oo aan odaga boqorka ah waxba kala socon.

Waxaa kalo Warar xam-xamta oo ka soo baxaya qaar ka mida familka reer Cabdi-casii oo iyagu arinkaan ka miyir gadoomay si caro leh isu boox-booxay ay sheegeen in afgambigaan dhacay u madaxweyne Trump wax ka ogaa, waxay kalo carabka ku dhufteen in illa shalay iyo xalay dhaliyaro qoyska ka mida oo go'aankaas boqorka Hus ka tiri xabsiyada loo taxaabay.