Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dabeecadaha Bani'aadamka Iyo Sida Lagu Kala Garto

Thursday - June 29, 2017


Halkan waxa idin ku soo gudbin-doonaa qormo muujinaysa sida ay u kala duwan tahay Dabeecadaha Bani’aadamku .. dabecadahaas waxaa ka mida kuwo kuu waramaya hadana kaa qarinaaya Sirtooda gaarka ah, halka aad xiliyada qaar la kulmeyso mid kaasi ka duwan kana wanaagsan oo aan waxba kaa qarsaneynin. Waxaa jira kuwo isku maldahaya hadalka ama qaabyo kala duwan wax u sheegaya oo ku dareensiinaya inay wax u qarsan yihiin.

Haddaba qeybta hoose kaga bogo qaabka ugu sahlan ee aad ku kala garan-karto dabeecadaha Dadka Kale…
1- Haddii qofku wax badan seexdo (iska hurdo), Waa qof murugo badan
2- Haddii qofku wax yar hadlo balse boobsiis u hadlo, Wuxuu xafidaa Sirta (Waa sir haye)
3- Haddii qofku cuntada u cuno si aan caadi ahayn, waa neerfooso.
4- Hadduu qofku waxyaabo yar yar ka oohiyaan, waa qof daacad ah oo qalbi jilicsan
5- Haddii qofku ka caroodo waxyaabo yar yar ama nacasnimo ah, wuxuu u baahan yahay Jaceyl.
6- Haddii qofku wax kastoo la weydiiyo si adag/qalafsan uga jawaabo is difaacana ku badan yahay, waxaa haya cuqdad nafsi & kalsooni daro.
7- Haddii qofka markuu faraxsan yahay aan hadalka joojin karin, markuu murugeysan yahayna aan eray oran karin, waa qof aan naftiisa kontorooli-karin.
8- Haddii qof la amaano u farxo, markii wax laga sheegana caroodo, waa qof remote-control dad kale u hayaan oo kolkii ay rabaan bedeli-karaan.
9- Haddii qofka dantiisa dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)