Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Onkod Iyo Hilac Ufada Dhaceysa..Trump Iyo Xulafadiisa Oo Ku Fashalmay Bood-boodki Iyo Boqon-Gooyadi Bush-kax Ee Lala Damacsanaa Qatar..Siyaasiyiinta Reer Qatar Ee Ku Cireystay Tab Iyo Xeel Dheer Oo..

Friday - June 30, 2017

Bada Aw-da Haysa .. Aabiga Bilaashka Ah, Shinbiraha la Ooyey .. Runta dabool ma saarna oo waxaa si fiican loo ogaaday in dawlada Qatar loo tashaday oo la doonaayo in dabin loo miiqo seefta lala helo, oo magaca iyo karaamada dalkaas hoos loo dhigo, isla markaana halka ay ka degantahay Mapka Khaliijka laga tir-tiro, waxaana farsamad mashruucaas laysarka loo yaqaan si wada jira u dajiyey dawlada israail iyo Mareykan oo ay si wada jira iskala shaqeynayaan Baqalka dhaxal-sugaha Sacuudiga ee la yiraa Maxamed Bin Salmaan oo isagu aqoon iyo dad-nimo dibada ka ah iyo wiilka Roorka badan, aqoon haba sheegin Maxamed Bin Zaid ee hogaamiya dawlada Imaaraadka 

Baashe Saar, Rankii Sayr .. Madaxweyne Trump oo miciyaha waabaayo u laaban-yihiin, ahna Nin meli u cadahay meeli ka madow-dahay ayaa hadda xog dhaba lagu ogaaday inu ku maqanyahay cirib-tirka dawlada Qatar, oo ay rabaan iney xabaasha ku ridaan .. Madaxweyne Trump oo xulafadiisa Sacuudiga Iyo Imaaraadka ku khuukhinaaya iney dalka Qatar ku adkeyaan iney fuliyaan dhuuxa qaar ka mida ah qodobadi 13-ka, haddi kale ay cunaqabateenta si saarnaato, qodobadaasoo sida la sheegay waxaa ka mid ah in xiriirka ay u jarto dawlada iiraan iyo in ciidamada Turkiga laga qaado Qatar, sido kale in ay joojiso taageerada ay qatar siiso maamulka Xamaas Ee Falastiin iyo sido kale in Akhwaanka Muslimka taageeradeeda ka gaabsato, laakiin siyaasiyiin ku cireysatay lobbiga siyaasada oo tab iyo xeel dheer cidiyaha ku dagaalamay kana soo jeeda dawlada Qatar ayaa si wacan ugu soo baraarugay balaayadaas kiis iska waalka ah ee ku soo hamaansatay ay hadda  midida dareen halka ay boogta tahay, iyagoo si wacan daba furfur ugu sameeyey wixii lala damacsanaa dalkaa Qatar.

Raga laguma dheelo, lama dhibo Qof aan Mudan .. Waxaa wargeysyada Mareykanka oo u ka mid tahay New Yorka Times ay warkooda ku xuseen in dhaxal-sugi hore Maxamed Bin Naiv ee dhawaanta xilki laga qaaday u hadda ku jiro xabsi gurigiisa oo halkaas ciidamo gaara ay ku ilaaliyaan, waxaa kalo la xusay in ciidanka-xaraska ee goobta loo keenay ilaaladiisa ay dhaawac fudud u geysteen Amiirkaas, kadib markii la sheegay in muran dhex maray.. waxaa halkaa lagu iloobay ilma-adeernimadi iyo isrkii la wada ahaa.
----------------------------
Lifaaq: Wax ka Ogoow Guusha Dowlada Qadar!!

1. Golihii Iskaashiga Khalijka oo u qeybsamay 3 iyo 3. 
2- Jaamacadii Carabta oo u qeybsantay 12 taageyrtay Qadar iyo 10 taageertay Sacuudi oo u badan          Dawlado yaryar ama faqiir ah.
3- Dawladaha Islaamka oo intooda badan Qadar taageeray ama ka aamusay, gaar ahaan kuwa ugu awooda badan sida; Turkey, Iiraan, Indunusiya, Maleziya iwm.

4. 5-ta golaha ammanka oo 3 ka mid ah taageertay Qadar sida; Ruushka, Shiinaha iyo Faransiska + Jarmalka iyo laba uu Sacuudigu isku haleynayey oo noqday dhexdhexaad sida; Mareykanka oo labac-leynahaya iyo Ingriiska oo mawqifkiisa dhex-dhexaad muujiyey

5- Ururada Caalamiga ama Gobaleedka oo dhexdhexaad ka noqday xal diblumaasina ku dhawaaqay sida; Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iwm.

6- Dhinaca cunaqabateynta dhaqaalaha oo ay Qatar heshay Qalabka iyo Cuntadii ay ka heli jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka bedelkooda Turkey, Iiraan iyo Cuman.

7. Dhinaca Awooda Ciidan iyo Difaaca, waxay Qatar ku guuleysatay in Saldhigii Ciidan ee Mareykanka ay ku darsato Saldhig cusub ee Turkey iyo in Mareykan lagu baqdin geliyo! Hadii uu ka baxo Qadar in ay soo galayaan Ruushka iyo Iiraan oo Khalijka lala qeybsan-doono, taa ayuuna ka baqay markii ay Sacuudiga iyo Imaaraatku ka codsadeyn in uu Qadar ka soo guuro.

8- Arimihii lagu eedeeyey Qadar oo been noqday iyo Shuruudihii lagu xiray oo lala yaabay, loona arkay in darafka kale uusan rabin heshiis iyo nabad gobalka.

Khasaaraha Siyaaasadeed, Dhaqaale iyo Awood Ciidan ee Dawlada Sacuudiga kasoo gaaray go’doomintii walaalkeed Qadar.

1. Hay’badii, Sumcadii, Hogaamintii iyo Magacii Sacuudiga ee dunida iyo deriska oo dhaawac soo gaaray.

2. Shacabka Khalijka oo kala irdhoobay.

3. Dawlado badan oo raacsanaa Sacuudi ama ixtiraami jiray oo diiday go’aanadeeda kuna cibra-qaatay sida ay ula dhaqantay walaalkeed, kadibna ku waysay saaxiibo muhiim u ahaa marxaladaan sida; Turkey… iwm.

4- Ururadii iyo Isbahaysiyadii uu hormuudka ka ahaa Sacuudiga oo burburay ama dhaawacmay sida; Golihii Khalijka, Jaamacadii Carabta, Ururkii Iskaashiga Islamka, Isbahaysigii Ciidamada Islaamka, Xulafadii Dagaalka Yemen iwm.

5. Fashak ku yimid Hogaamintii Xulafadii Dawladaha Sunniga ah ee la dagaalanka Shiicada.

6. Sacuudiga oo Hadiyad iyo Fursad siiyey Iiraan oo ay ku soo gasho Khalijka iyo arimaha Dawladaha Sunniga ah.

7. Isla markaa Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Israa’iil kadib markii ay ka heshay Sacuudiga Sharciyad ay mar kale ku baabi’in karto Gazza iyo Xamaas, kuna xalaaleysan-karto Caasimada Qudus, kuna hagaaji karto xiriirkeeda Sacuudiga. Kadib markii lagu xukumay Xamaas Argagaxiso.

8. Waxey Fursad siisay Quwadaha waaweyn in ay ku loo-lamaan, xoogna ku fara geliyaan Khalijka kuna dhex Dagaalamaan sidii Suuriya iyo Falastiin.

9. Waxaa khatar galay arimaha Siyaasada iyo ammanka Sacuudiga iyo Gobalka ka dib go’aanka go’doominta iyo magacaabida bin Salmaan iyo dagaaladii Yemen iyo Suuriya.