Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Kaftan Laysla Soo Dhaaf .. Kuuriyada Waqooyi Ee Sabool-nimada La Qaansoobay Oo Tijaabisay Gantaal Kale Ridda Dheer Iyo Trump Oo Kor Iyo Hoos Eegi-waayey

Tuesday - July 4, 2017


Kuuriyada Waqoooyi ayaa tijaabisay gantaal kale oo ah kuwa riddada dheer sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Warbaahinta wararka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ee la yiraa Yonhap oo soo xiganaysa mas’uuliyin ka tirsan milatariga kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka dhacday gobolka Woqooyiga Pyongan oo ku yaala galbeedka dalkaasi.

Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biyaha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan.
Mas’uul ka tirsan dowladda Japan ayaa warbaahinta u sheegay in gantaalkaasi uu socday muddo 40 daqiiqo ah, isla markaan ay suurtagal tahay in uu ku dhacay badda Japan.
Kuuriyada Woqooyi ayaa bilihii ugu dambeeyay dardar gelinaysay tijaabada gantaalada iyo hubkeeda niyuukleerka.
Wax yar uun ka hor inta Kuuriyada woqooyi aysan ridin gantaalkaasi tijaabada ah ayaa safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey waxa uu ka dhigay cawaaqib xumo masiibo ay ka dhalan karto haddii aanan la dejin oo aan la qaboojin xiisadda u dhaxeysa quwadaha caalamka iyo waddanka kuuriyada woqooyi.

Tijaabada gantaalka ay haatan tijaabisay xukuumadda Pynogyang ayaa ku soo beegmeyso maalin uun kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qadka taleefoonka kula hadlay ra’iisalwasaaraha Japaan Shinzo Abe iyo madaxweynaha Shiinaha, waxa ayna ka wada hadleen arrinta kuuriyada Woqooyi.
Hoggaamiyeyaashani ayaa dhammaantood caddeeyay sida ay uga go’antahay in gacanka kuuriya ka dhigaan aag ka caaggan hubka niyuukleerka.
Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale usbuucii hore la kulmay madaxweyne Trump, waxaana xilligaasi uu madaxweyne Trump uu uga digay xukuumadda Pyongyang in tallaabo adag laga qaadi doono.
Trump ayaa sidoo kale kal hore sheegay in uu saluugsan yahay qaabka Shiinuhu uu cadaadiska u saarayo Kuuriyada Wooqooyi, si ay u hakiso hubkeeda niyuukleerka, waxa uuna sheegay in dulqaadka uu ka sii dhammaanayo.
Hoggaamiyeyaasha wadamada qaniga ah ee ku bahoobay ururka G20 ayaa dhawaan lagu wadaa in dalka Jarmalka ay ku kulmaan oo ay ka wada arrinsadaan arrinta kuuriyada Woqooyi.