Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Khubarada Cimilada Aduunka .. Shanta Goobood Ee Aduunka Ugu Kulul Iyo Shanta Ugu Qabow

Saturday - July 8, 2017


Dalal badan oo qabaw lagu yaqaanay ayaa kulayl badani ku dhufanayaa halka kuwo kale oo kulayl ahaan jiray ay qabaw kooban noqdeen. 29-kii Bishii June ee aan soo dhaafnay dalka Iiraan waxa laga diiwaan geliyey kulaylkii ugu darnaa ee abid ka dhaca dalkaasi iyada oo darajada heer kulku gaaray magaalada Al-Ahwaaz ee galbeedka Iiraan in ka badan 54-darajo ee sentigarayd ah, taasi oo keentay in xataa dhagaxaantu madaw noqdaan dad badana ku dhinteen.

Qormadan oo foore aan ka xiganay daraasad laga sameeyey 10-ka meelood ama goobood ee adduunka ugu kulul uguna qabaw oo mid kasta shan goobood laga soo qaatay. Tusaale ahaan shanta goobood ee ugu kulul iyo shanta goobood ee ugu qabaw iyada oo cimilada adduunku si weyn isu badashay cilmi-baarayaasha deegaankuna sheegaan in maalinba maalinta ka dambaysa adduunku sii kululaanayo. Sida ay ku soo warramayso shabakadda Half Post ee caanka ahi, shantan goobood ayaa loo aqoonsaday kuwa adduunka ugu kulul waxaanay kala yihiin:

1. Al-ahwaaz oo ku taalla waddanka Iiraan waxa heer-kulkeedu gaadhay 54 darajo
2. Madraba – Deegaan ku yaalla waddanka Kuwayt oo heer-kulkeedu Bishan gaaray 54 darajo
3. Dead Valley- California oo Maraykanka ah waxaanu heer-kulkeedu gaadhay 54.
4. Basra oo Ciraaq ah waxaanay darajada heer-kulkeedu gaadhay 53.9.
5. Al-saliilbiya oo dalka Kuwayt ah waxaanay darajada heer-kulkeedu gaaray 53.6.

Shanta Goobood Ee Adduunka Ugu Qabaw:
1. Bariga Qaaradda Barafka Ah: (East Antarctica) waxaanu heerka qabawgu gaadhay 94 oo ka hoose heerka biyuhu ku barafooobaan ee zero.
2. Fostog oo Ruushka ah waxa heerka qabawgu hoos ka maray 89-darajo oo heerka eber ah.
3. Amundsen oo Scotland ah waxa heerka qabawgu hoos ka maray 82 oo ka hoosaysa heerka biyuhu ku barafoobaan ee eberka ah.
4. Figta Argues oo ku taalla cirifka kulaalaha koonfureed waxaanu heerkeedu gaaray 81.
5. Ayumyakon oo Ruushka ku taalla waxaanu heerkeedu gaaray 67-darajo oo ka hoose heerka eber ee biyuhu ku barafoobaan.