Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xildhibaano Rux-Ruxaya Geed Dhameel Si Ay Wax Uga Soo Dhacaan .. Walaac Laga Muujiyey Xiriirkii Taariikheed Sacuudiga-Imaaraadka Iyo Somaliya Oo Farmajo Ciida Ku Rogay

Friday - July 14, 2017


Mogdisho- Kulan ka dhacay hotelka Naasa-Hablood oo ay isugu yimadeen 40 xildhibaan ayaa gorfeyntoodi si beegsasho ah ku dhalaaceeyey mawqifka Dawlada Somaliya ay ka qaadatay khilaafka lagu soo dhex tuuray golaha khaliijka,
xildhibaanadaas oo ka duulaaya aragtida inta badan xildhibaanada baarlamaanka oo iyagu aaminsan in dawlada Farmaajo ciida ku rogtay cilaaqaadkii somaliya iyo khalijka, taaso meel ka dhac ku ah dareenka shacabka somaali oo iyagu qaba in xiriirka Abu-dabi iyo Sacuudiga u yahay mid taariikh dheer salka ku haya. oo laga wada markhaati-yahay

Xildibaanadaas ayaa isku raacay in dood laga furo baarlamaanka dhexdiisa oo ninba sidey la tahay ka warbixiyo colaada aan maxsuulkeeda cidna saadaalin-karin ee Farmaajo ku joog-joogsaday xiriirka Somaliya iyo Sacuudiga, balse ay hadda joogto heer la daba qaban-karo oo toobadu furantahay

Dhinaca kale guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha shacabka C/qaadir Cosoble Cali  oo isagu qorshahaas xildhibaanada dhinac uga laran ayaa warqadan shalay gaarsiiyay xafiiska Madaxweynaha oo ugu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si laysugu miisaamo ama la isku soo dhaweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.