Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Madaxweyne Erdogan: Carab Fikir Kama Soo Bixin Ficilna Ha Sheegin .. Far Ma Dhaqaajin Gacan Feydna Haba Sheegin .. Damiir-laawihii Yaan La Noqon Daaya Qudus Oran-waayey

Sunday - July 23, 2017


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadka Falastiniyiinta ee ku dibad baxayay masaajirka barakeysan ee Al Aqsa ee ku yaala magaalada Qudus.
Isku dhacyo dhex maray Ciidamada Israa’iil iyo dhalinyaro Falastiniyiin ah ayaa waxaa ku dhintay illaa saddex Falastiniyiin ah, iyado kuwa kale boqolaal gaaraya ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Israa’iil ayaa jimcihii la soo dhaafay soo saaray amar ah in ragga da’dooda ka yar tahay 50-ka sano ay salaada jimcaha ku dukadaan barxada masaajidka barakeysan ee Al Aqsa.

Madaxweyne Erdogan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Israel ay dadka rayidka ah ay beegsato, isla markaana u adeegsato awood dheeraad ah. wuxuu isla markaa dhalaaceyn u soo jeediyey hogaamiyaasha dalalka musllimka iyo gaar ahaan carabta oo arinta masjdka al-aqsa gacanta ka laabtay.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in aan loogu dulqaadan karin Israel tallaabooyinka ay ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah., wuxuuna Erdogan si gaara carrabka ugu dhuftay in weligeed aduunyada ay jiri-jirtay cid muruq-weyn sheegata
Falastiniyiinta ayaa aad uga soo hor-jeestay awaamiirta cusub ee ka soo baxay Israel, waxaana Madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas uu ku dhawaaqay inuu jaray dhamaan xiriirkii kala dhaxeeyay Israa’iil.