Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Nin Dhiiri Sheegtow Is Furo Waa Dhanaan Tahaye .. Askari Dhan-Xiir Mareykan Ah Oo Xaniin-Dhaaf Dhiirinimo Ku Sheegtay Inu Dilay 2746 Qof

Monday - July 24, 2017


Gaashaanle Dillard Johnson oo ka mid ahaa ciidamada gaarka ah ee hawl-gallada dagaalka Ciraaq ee dalka Maraykanka ayaa taariikhda ku galaya ninkii dhiigga ugu badan ku daadiyey dagaalada ay abid taariikhda soo galeen ciidamada dhulka ee dalkaasi Maraykanku waxaanu dhawaan soo saaray Buug uu ugu magac daray ‘Carnivore’ oo uu kaga warramayo xaaladda dagaalkii dalkaasi Ciraaq ee ay Maraykanku ku qabsadeen iyo tirada dadka uu ku dilay gacantiisa isaga oo sheegay in aanay mudadii uu Ciraaq ku sugnaa oo dhammayd shan sano aanay soo marin maalin kali ahi oo aanu qoorta ka jarin qof ama Laba Ciraaqiyiin ah tirada uu dalkaasi Ciraaq ku dilayna ay gaartay oo la xaqiijiyey in ay dhan yihiin 2746-qof oo uu kalidii rasaas ku dilay.

Askarigan Dillard Johnson ee dilaaga ahi waxa uu sheegay in hawl-galkii ugu horreeyey ay guuto uu ka mid ahaa Ciraaq ka sameeyeen uu dil ka gaystay ay ahayd hawl-gal gaar ah oo isaga loogu saaray in uu ka fuliyo gaari Bas ahaa oo ay saarnaayeen dad Ciraaqiyiin ahi kuwaasi oo uu isagu gacantiisa ku dilay 13 qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa baskaasi oo marayay jid ku yaalla magaalada Al-samaawah ee ku taalla Koonfurta dalkaasi Ciraaq. Falkan ayuu ku sheegay in uu ahaa mid ay ku raadsanayeen kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jiray ciidankiisa dalkaasi Ciraaq iyada oo gaarigaasi baska ahi ku soo dhawaaday gaarigii gaashaannaa ee ay wateen ciidanka uu ka mid ahaa.


Dillard Johnson oo wakhtigan da’diisu tahay 48 jir ayaa la dhibtoonaya xanuun qulub iyo isku buuq ah oo ku habsaday tan iyo markii uu ka soo laabtay hawl-galkii Milatari ee uu ugu maqnaa dalkaasi Ciraaq waxaanu ka mid yahay kumannaan askari oo markii ay hawl-gallo dibadda ah ka soo laabteen dalkaasi Maraykanka ku dhibtoonaya oo xanuuno kala duwani ku habsadeen kuwaasi oo u badan xanuuno nafsaani ah .. Dillard Johnson ayaa la sheegay in ay xaaladda ku sii xumaysay kadib markii uu qoyskiisii ka burburay ee ay haweenaydiisa kala tageen waxaana xusid mudan in mudadii uu ciidanka dalkiisa ka mid ahaa la siiyay in ka badan 37 Billadood oo loogu aqoonsaday geesi dagaal.