Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dhar-dhaarada Oo La Kala Badalo Tayada Maraqa Waxba Kama Badasho .. Gaas Oo Saaka Shaarka Kor U Duubtay Magacaabay Buundaad Cusub Oo Wasiiro Ah .. Beesha Tanade Oo Dareen Culus Qabta

Monday - August 7, 2017


Celkii Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdweli Maxamed Cali oo goor dhow isugu yeeray saxaafada Madaxtooyada magaalada Garowe ayuu ku dhowaaqay gole wasiiro oo ka kooban konton xubnood oo kala ah: 20 Wasiir, 10 wasiiro Dawlo iyo 20 wasiir ku xigeen

Madaxweyne Gaas ayaa laga sugayay maalmihii la soo dhaafay inuu ku dhowaaqo gole wasiiro cusub kadib markii baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida u qaaday golihiisii wasiirada iyagoo kala laabtay kalsoonida.
Golahan wasiirada oo ka kooban buundaad illa 50 wasiir, waxaa ka mida beesha Tanade Daarood oo Taajka loo saaray hal wasiir iyo hal wasiiro dawlo iyo mid ku xigeen wasiir ah, kuwaaso kala ah:

1-Cabdirashid Maxamed Xirsi oo loo magacaabay wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka
2- Cali Cabdi Yuusuf Giir oo loo magacaabay wasiir dawlaha arimaha gudaha iyo dawladaha hoose
3- Cabdiftaax Xasan Waloore oo isna loo magacaabay Wasiir ku xigeenka cadaalada iyo arimaha diinta

Beesha Tanade ayaa dareen culus ka qabta magacaabista xabiibayaasha sadexda wasiir ee la siiyey beesha, taaso aan horay looga baran madaxweye-yaasha Puntland, balse hadafku noqon-karo siyaasad qoob ka ciyaar iyo in maan-dooriye damqashada reerka ka bi'iya daciifin loogu tala galay ujeedadu tahay in wax lagu daboolo, waxaa la saadaalinaya in ujeedku yahay ku xad oo aan la rabin in dastuurka aqalka baarlamaanka dib loo fur-furin, amase halkaas lagu dhaafsiiyo xubnihi baarlamaanka ay beeshu dooneysay. dulucdu waa quus iyo Ri is nuugtay 

Magacaabistaan oo far lagu goday, waxay ka tarjumeysa war u horay Cabdi-weli ugu maaweeliyey Odayaasha beesha oo u ku Yiri: Xildhibaano aad heleysaan ma jirto, laakiin waxaan badalkeeda idin badinayaa xubnaha wasiirada. taaso sida muuqata u Cabdiweli warkiisi ka dhabeeyey oo maanta yiri: Tanadow naftiinu aamuusnaan iimaansan-weydeye ee Hadaad samri-weydeen Ri Madow Qaata