Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wakalada NASA Oo Tilmaantay In Bisha Septembar Ay Dunidu Gali-doonto Khalkhal Ku Yimaada Isku Dheli-tirka Dhulka, Dhulgarir Xoog Badan Iyo isbadalo Kadis Oo Ku Yimaada Jawiga

Thursday - August 10, 2017


Waxaa la qiyaasaya in dhamaadka Aduunka uusan noqoneyn mid farxad ku dhamaada, saadaashuna cilmiga iyo khubarada NASA waxay tilmaameysa cabsida laga qabo isbaddelka ku imaan-doono cimilada aduunka, ay keeni karto inuu aduunka dhaaman rabo, 

Wakaalada NASA hawada sare ee Ameerika waxay sheegtay in sanadka 2017 biisha 23 Septembar inuu aduunka u ekaan-doono wax sidi dhamaanaya. Wakaalada waxay sheektay in dhawaantaan la ogaaday inuu jiro Planet-kii 12aad – Meere - oo horay loo yaqiinay inay quraxda ay ku hareersan yihiin 11 Meere Planet
Planet-kan oo magaciisa loo bixiyay Nibiru Wakaalada waxay daraasaad ku sameesay planet-kan 12aad, inuu leeyahay " Magnetic " Magnetic waa xoog bir-labeed" ama soo jiidasho aad u wayn . waxay kaloo sheegtay inuu planit-kan dhibka uu u keeni doono wareega dhuulka sameeyo uu yahay dhibaato aad u balaaran , lakiinse baaritaan socday shan sano in ka badan ayey ku ogaadeen inuu mari doono planet-ka Nibiru meel ku dhow wareegga dhulka taaso ku aadan qorax kasoo baxa dhulka Aasiya , 

Dayaxa oo loo arki doono sida adigoo mooda qurax kale inay soo baxday waana sanadka 2017-ka biisha septembar. Meeraha Nibiru waa meere ku wareegaya quraxda, waxay ku qaadataa inuu hal mar qorraxda ku wareegto 4100 sano , marka uu ku wareeganayo mariinkiisa meel u dhow dhulka an ku nool nahay wuxuu ween-doonaa awooda soo jiidashada dhulka aan ku nool nahay taasi oo dhalin doonta khal-khal ku imaada isku dheelitirnanta dhuulkeena , kaasoo dhalin doona mugdi, dhuul geriir oo xog badan iyo is badelo kedis ah oo ku yimaada jawiga, taasoo bur burineysa 70 % deegaanka aduunka.