Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Deeleydi Furatee Qabiilow Dadaalkaa .. Ugaaska Beesha Xawaadle Oo U Yeeray Siyaasiyiinta Beeshiisa Si Wada Jir Loogu Gudbiyo Dareenka Laga Qabo Mooshinkii Cali Cosoble

Friday - August 18, 2017


Baladweyne- Ugaaska beesha Xawaadle Maxamud ayaa ugu baaqey Siyaasiyiinta beeshiisa ka soo jeeda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaroodaan magaalada Baled-Weyne ee Gobolka Hiiraan waxaana uu Baaqaan ku soo beegmey xil ay Cirka isku shareertey xiisada Syaasadeed ee ka Taagan Magaalada Jowhar sidoo kale Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxda ugu sareys Dowlada ayaa weli ka hadlin xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Jowhar inkastoo haatan Magaalada Jowhar uu ku sugan wafdi uu horkacayo Wasiirka arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka kasoo wada hadal la leh Labada Dhinac.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamul Gobeleedkii dhawaan lagu yegleeley Magaalada Jowhar ayaa qarka u saaran iney ku dhacdo kala qaybsanaan maamul sida Galmudug .. Xiisadaas waxay ay ka dhalatey markii qaar ka mid Xildhibaanada Hirshabeele ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble hadana dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Hirshabeele ay xil ka qaadistaas ku tilmaamay mid Sharci daro ah, walo markii dambe qaar ka mida xildhibaanadaa dib ugu biireen mucaaradkii wax afgambiyey

Waraka ugu dambeystay laga helaayo Baladweyne iyo Jawhar ayaa sheegaya in halkaas ay ka Bilaabatay is riix riix Siyaasad, taaso lugta la gashay qabiil, sida muuqatana hadii aan Xal deg deg ah laga gaarin in maamulkas uu qarka u saarmi-doono in uu Burburo.