Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Abaal-Laawe Trump Oo Seef Laba Afley Ah Ku Aflixiyey Ardaalinti Saaxiibadiis Ee Guriga Cad Iyo Ninkii Bannon Arlada Lurta Galiyey Oo Duufaan La Tagtay

Saturday - August 19, 2017



Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu noqdey dad cun caadi ah,  midkii cunay raggiisa, ma tixgeliyo taariikh iyo dad ay isla qariibeen, waxaa uu aqalka cad mid mid uga ceriyay dhammaan raggii ku hareereysnaa, Bannon ayaa ugu dambeeyay.

Stephen K. Bannon, oo illaa November sanadkii tagay ahaa madaxa istaraatiijiyadda aqalka cad, isla markaana horay Trump gacan uga siiyay guushii uu ka gaaray doorashadii 2016 , madaxna ka ahaa ololaha, ayaa shaqada laga direy, sidaasi waxaa jimcihii xaqiijiyay afhayeen u hadlay aqalka cad.

Warar kale ayaa sheegaya Stephen K. Bannon uu isaga codsadey in uu shaqada ka tago, kadib markii uu la shaqeyn waayey aqalka cad, uuna ku dhaliilay iney ka weecdeen jidkii saxda ahaa.

Bannon waa ninka ka dambeeyay in dalal Musliimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto dadkooda loo diido Fiisaha Mareykanka, waxaa kale uu soo jeediyay in la dhimo ganacsiga dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Mr. Bannon waxaa ay dad badani ugu yeeri jireen in uu ahaa qofka ugu awoodda badan aqalka cad, waxaa uu ka dhex hadli jiray Trump, go’aanno badan ee uu madaxweynaha Mareykanka qaatey maalmihii ugu horeysay xafiiska isaga ayaa ka dambeeyay.

Ceyrinta Stephen K. Bannon waxaa ay qeyb ka tahay rag Trump ku dhawaa oo horay loo cuney, raggaas waxa ka mid ahaa: Macheal Flynn: La taliyaha Ammaanka,  Sean Spicer, Agaasimaha Warfaafinta iyo  Reince Prebus : Agaasimaha Aqalka Cad.

Stephen K. Bannon , waa 63 jir ah, cunsuri ah, waa ganacsade iyo madaxa Website-ka Breitbart News oo ku caan baxay u xaglinta Caddaanka, Naceybka Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Ninkan sidaasi ah waxaa uu wax ka bartay ciidamada Badda, kadib waxaa uu Master ku saabsan Amniga qaranka ka qaatay Georgetown University, kadib waxaa uu galay Harvard Business School halkaas uu ka bartay Maalgeshiga iyo arrimaha Bangiyada.

Bannon oo qoyskiisa ay Dimoqoraadi yihiin ayaa lagu bartay  gadoodka, waxaa uu jeclaa in uu isbadal ku sameeyo xisbiga Jamhuuriga oo isaga ka tirsan yahay, waa nin xagjir ah, waxaa lagu eedeeyaa in uu jeclyahay Caddaanka iyo waxa loo yeero waddaniyadda Mareykanka.

Hadda, waxaa lagu wadaa in uu dib ugu noqdo webkiisa Breitbart News isaga oo ballan-qaadey in uu halkaasi ka sii wadi-doonno dagaalka.