Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xog Ku Aadan Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulamo Xasaasi Ah La Yeeshay Farmaajo Iyo Kheyre

Monday - August 21, 2017

Wargeyska FOORE oo daba-gal ku sameeyey safarka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar ku joogo caasimadda dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho ayay u suurto gashay in ay xogo dheeraad ah oo cusub oo xaqiiqo ah ka hesho nuxurka ujeedada rasmiga ah ee Masuulkaasi ku joogo Muqdisho, Cidda uu kulamada la qaatay, Cidda safarkiisa fududaysay, Huteelka uu deggan yahay iyo illaa hadda xaaladda uu ku sugan yahay iyada oo wargeyska Foore xogahan ka helay Ilo-wareedyo u dhuun-daloola qasriga Villa Soomaaliya ee dalkaasi Soomaaliya looga taliyo.

Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore Wasiir uga soo noqday Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Wasaaradda Ganacsiga Somaliland wakhtigana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbul-xaakimka KULMIYE ee talada Somaliland haya ayaa inkasta oo uu muddo dalka ka maqnaa kuna sugnaa dalalka Bariga Afrika waxa uu maalmihii la soo dhaafay ku sugan yahay Magaalada Muqdisho iyada oo xogaha xaqiiqada ah ee arrinka ninkan laga helay xaqiijinayaan in uu safarkaasi u fududeeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maamulka Muqdisho Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ay aqoon shakhsi oo muddo dheer ah isku leeyihiin Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Ilo-wareedyo la soo xiganayo oo indhaha soo saaray Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegaya in uu deggan yahay Huteelka Paradise ee Magaalada Muqdisho oo xagga dambe kaga beegan Huteelka caanka ah ee Jazeera Hotel, iyada oo uu dorraad oo Sabti ahayd galinkii hore kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isla habeen horena uu kulan kale la qaatay Ra’iisal Wasaare Khayre oo ay isla gallinkii hore ee Sabtidii khadka taleefanka ku wada hadleen.

Ujeedada Kulanka hore oo Villa Soomaaliya ka dhacay ayaa xogaha la helay ay tibaaxeen in Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar uu dalab saddex qodob ka kooban u qaddimay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, qodobadaasi oo kala ah:
1. In Xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya dacmi/Taageero maaddi ah iyo mid macnawi ahba siiso xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo isku diyaarinaya in uu doorashada Madaxtooyo ee Somaliland markii saddexaad u tartamo.
2. In Xukuumadda Muqdisho ka taageerto isaga shakhsi ahaan sidii ay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ugu wareejin lahayd in uu fududeeyo urur madax bannaan oo la sheegay in uu leeyahay Maxamed Cabdilaahi kaasi oo uu codsaday in uu isagu fududeeye qarsoon ka noqdo kulamada soo socda ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
3. Iyo qodobka Saddexaad oo xogtiisa la helnay ay noo xaqiijisay in uu Farmaajo hor dhigay codsi ku aaddan in dawladdiisu xil siiso oo uu qayb ka noqdo nidaamka (System) maamul gaar ahaan in loo magacaabo xil wasiirnimo oo meeqaam sare ah taasi oo uu Maxamed Cabdilaahi sheegay in uu diyaar u yahay qabashadiisa. Codsigaasi oo ku aaddan marka Madaxweynaha Soomaaliya kadib ciidda Carrafo uu sameeyo isku-shaandhayn la hadal hayo taasi oo uu ka rabo xil-wasiirnimo oo uu muddoba raajicinayay.
Xogaha kale oo laga helay safarka Maxamed Cabdilaahi ka helaynaa waxa ay tibaaxayaan in uu isla habeen hore ka qayb galay kulan lagaga hadlayay Arrimaha ammaanka oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda dalkaasi Soomaaliya isaga oo la sheegay in Maxamed Cabdilaahi leeyahay urur madax bannaan oo wax ka daraaseeya arrimaha geeska Afrika, nabadda iyo hannaanka dimuquraadiyadeed.

Ilo-wareedyadan Wargeyska Foore soo xiganayaa waxa ay tibaaxayaan in badiba codsiyadii uu masuulkani la hor tagay Muqdisho in intooda badan ay aqbaleen iyada oo la isla qaatay in Maxamed Cabdilaahi dhawaan ka mid noqon doono maamulkaasi.
Ma aha markii ugu horraysay ee Maxamed Cabdilaahi Cumar lagu xiriiriyo galaangal uu la sameeyey maamulka Muqdisho waxaanay wargeyska Foore shalay ilo-wareedyadani u xaqiijiyeen in markii uu ahaa Wasiirka Ganacsiga uu xiriir la sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo doonayay in loo dhiibo mansabkii Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee uu wakhtigaasi ku fadhiyey Maxamed Cumar Carte, wixii intaasi ka dambeeyeyna aanu marnaba ka rajo dhigin in uu maamulkaasi qayb ka noqdo.
Lama oga muddoda ay qaadan doono safarka uu Maxamed Cabdilaahi Cumar ku joogo Muqdisho balse waxa uu saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ku sugnaa Muqdisho isaga oo kaga yimid dhinaca Nayroobi.